Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii – 2015ka)Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
194

Maxamed Xaashi Dhamac, Macallin Gaarriye, ayaan ka maqli jiray: Geeriyeey xishoodlaay, Xejiyaay fogeeyaay. Waxay ka mid ahaayeen tuducyo ku jiray Maansadii Damaq 

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay,

Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,

Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,

Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,

Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi,

Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 1aad
Hargeysa, 3/2/2015ka,

Maxamed Xaashi Dhamac, Macallin Gaarriye, ayaan ka maqli jiray: Geeriyeey xishoodlaay, Xejiyaay fogeeyaay. Waxay ka mid ahaayeen tuducyo ku jiray Maansadii Damaq iyo Xusuus ee uu ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo loo yaqaannay Timacadde.

Geeridu waa xaq. Nolushuna waxay ku jirtaa ama ay macnaba ku leedahay dhimashada. Wax kastaba wax lid ku

ahi haddii aanu jireen, lama garteen, lamana dareemeen. Macaanka waa ku qadhaadh, nabadda waa ku colaad, dhererka waa ku gaabnaan, buurnidana waa ku dhuubnaan. Sidaas ayay noloshu macno ku samaysaa oo wixii noolina ku tagaan laguna sii sagootiyaa, wax cusubina ku dhashaan oo lagu soo dhaweeyaa looguna wan-qalaa.

Waxay ahayd 1dii Feeberweri, 2015ka. Waxaan ku sugnaa magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland. Maalin caadiya ayay ii ahayd. Waa galabnimadii. Cabbaar ayaan soo lugeeyay sidii caadada ii ahayd. Xilli ay saacaddu ku beegnayd 5.30kii galabnimo ayaan guriga ku soo noqday. Arsenal iyo Aston Villa oo kubbad ciyaarayay ayaan gees ka dhegaysi/daawanayay. Goolkii saddexaad ee Arsenal oo uu Theo Walcott dhaliyay ayaan ku soo beegmay. Waa Kooxda aan taageero, Henry ayaana ii la galay ama ku bartayba ee Kooxaha maba kala aqoon.

Dhinaca kale ‘computerkii’ ayaan furtay oo aan dhex-qaadayay. ‘Facebook’-ka ayaan galay. Waxa ugu soo horreeyay Khaalid Jaamac Qodax oo soo dhigay sawirkii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare. Khaalid Jaamac Qodax farriin koobnayd ayuu ku sheegay in uu Kaddare geeriyooday. Wuxu intaa ku daray in uu isla xilliga uu geerida ogaaday uu akhriyayay Buug uu Xuseen Sheekh Axmed Hilowle lahaa. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Xusuustaydii ayaan dib ugu noqday iyo goortii iigu horraysay. Waa xilliyo ku sinnaa dhowr iyo lixdannadii iyo magaalada Muqdisho. Waxaan ku jiray Dugsigii Sare ee Benaadir oo aan wax ka baranayay Ogos 1964kii – Ogos 1968kii. Xilliyadaa ayay sawirka, magaca iyo taariikhda Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay Kaddare noloshayda soo gelayaan. Waxaan xusuustaa in uu beryahaa Guddoomiye ka ahaa urur dhallinyaro oo la odhan jiray Somali Youth Council loona soo gaabsan jiray SYC. Waxa kale oo beryahaa Muqdisho ka dhisnaa oo hawl-gal ahaa urur kale oo dhallinyaro oo Hargeysa ka soo jeeday oo la odhan jiray Somali Youth Organization (SYO) oo uu Guddoomiye u ahaa  Cali Ibraahin oo loo yaqaanno Sanyare.

Labadaa urur tartan caafimaad qaba oo xoog lahaa ayaa ka dhexeeyay. Waxaan xusuustaa in aan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ka baxday ee habeennimadii casharrada ka bixin jirtay Dugsigii Macallin Jaamac oo dadka waaweyn wax lagu bari jiray.

In kasta oo aanan si aad u dhow u baran isla markaana ula shaqayn, haddana beryahaas ayaan magac ahaan Xuseen Sheekh Axmed baranayaa. Intaas ka-sokow, waxa ii dheeraa beryahaa aan bartay sidii uu ugu hawlanaa qorista afka Soomaaliga isaga oo lahaa far u gaar ah.

Nasiib-wanaag Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare, waxaanu wada hawl-galnay 1976kii annaga oo joognay magaalada Muqdisho. Beryahaas Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay ka qayb-gasho Bandhiggii Dhaqanka ee Beelaha madow ee adduunka ee loogu wan-qalay FESTAC-77. Xukuumaddii markaa dalka ka talinaysay waxay go’aansatay in la sameeyo Guddi Qaran oo marka hore abaabusha tartan dhaqan/suugaaneed gobollada Soomaaliya oo dhan lagu tartansiinayo.

Bandhiggaa waddaniga ahaa ayaa lagu magacaabay Bandhigga Fanka iyo Suugaanta oo loo soo gaabsan jiray BANFAS. Waa halka Cali Xasan Roodhiile, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ loogu bixinayo naanaystii uu ku caano-maalay ee Banfas. Berigaa Cali-banfas wuxu kaalinta koowaad ka galay tartankii Maansada isaga oo ku tartamayay magaca Gobolkii Woqooyi-galbeed. Maansadaas waxa la odhan jiray Dhool-gu’. Maxamed Siyaad Barre ayaa goob-joog ka ahaa oo bxinayay abaal-marinta habeenkaas.

Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), wuxu ku dhashay magaalada Cadale ee bariga Muqdisho ku taal. Yaraantiisii ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho. Wuxu dedaal badan ka sameeeyay sidii afka Soomaaliga loogu heli lahaa far ku habboon oo lagu qoro. Wuxu ka mid ahaa dadkii ka barbar dagallamayay Muuse Galaal iyo raggii halgankaa qoraalka horseedka ka ahaa. Haa…… waa ay ku kala duwanayeen fekerka iyo farta lagu qorayaba, laakiin waxay ka sinnaayeen werwerka ay ka qabeen qoraalka afka Soomaaliga iyo farta lagu qorayo.

1972kii, Xuseen Sheekh Axmed Hilowle wuxu xubin ka noqday Guddidii Qoraalka farta Soomaaliga. Geeridii Shariif Saalax oo Guddidaa Guddoomiye u ahaa ayaa iyaduna ahayd dhowr bilood ka hor, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. 1974kii, Xuseen wuxu noqday Agaasimaha Waaxda Af Soomaaliga ee Akaademigii Fanka, Cilmiga iyo Suugaanta ee Muqdisho.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here