Xuska Maalinta Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Qabtay Jaamacada Admas+Sawirro

0
340

Hargeisa (SDN)xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Jaamacada admas university, xafladani oo ku saabsanayd maalinta waxbarashada somaliland iyo Bandhiga Buuga GEELJIRE IYO AQOONJIRE waxaana ka soo qayb galay wasiiro madaxdhaqameed waxgarad xildhibaano maamulka jaamacada Admas Bahada Qoraalka Arday iyo qaybaha bulshada.

q1q2e1

 

Geesta kale waxa xafladani ku lamanaa bug la magac baxay GEEL JIRE IYO AQOON JIRE oo madasha lagu soo banadhigay kaasi oo lagu xusay Aabihii tacliinta Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali.

q4q5

Ugu Horaynt waxa Furitaankii Munaasibadaasi Kalmad soo dhawayn ah ku furay maamulka jaamacada ADMAS UNIVERSTY,  Gudoomiyaha Jaamacada Cadnaan Axmed Daahir ayaa u Mahad Celiyey Dhamaan Dadkii ka soo qayb galay waxaanu ka hadlay xuska maalinta loo asteeyey waxbarashada Somaliland,

Admas 1q6

 

Waxaana ka mid ah hadaladiisii(“wuxuu ahaa xidig mudnaa in lagu daydo oo taariikh raadle kaga tagay dhinaca wax barashada, isagoo ahaa mid ku guulays himilooyinkiisii, waxaa nasiib wanaag ah in aynu maanta haysano laakiin lagama yaabo in intaasoo maanta waxabaray ayna boqolkiiba 10 na ka gaadhi Karin dadaalkiisii ” ayuu yidhi Cadnaan

 

Waxaanu intaa ku daray”waxa xusid mudan inaaynu inaguna ka tagtay waxaynu ku xusno oo aynu ku xasuusanyo wuxuu inooga tago, waxa wanaagsan inaynu wax taariikhda inoo kali gakaro samayno waxaynu dhamaystiri karnaa librariga qaranka waa kale oo dhisi karnaa school aynu ugu macag darno”ayuu yidhi

q7q8

 

Mr Galaydh Agaasimii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada ahna gudida qaban qaabada munaasibadan ayaa isaguna halkaasi hadalo kooban ka jeediyey waxaanu ka waramay taariikhda Maxamuud Axmed Cali iyo kaalintii uu ka lahaa wax barashada Somaliland.

q9w1w2

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole isaguna Munaasiabadan Khudbad ka Jeediyey ayaa yidhi“maanta oo ay tahay maalintii Waxbarashada Somaliland waxay ku suntan tahay ,waxaan jeclaan lahaa kolayto ” ayuu yidhi Wasiirku

w3w4

 

Waxaanu intaasi ku daray “Markaynu kadlayno waxaynu ka hadlaynaa Waxbarashada Casriga ah halkay marayso iyo marxaladiihii uu la soo maray maantan meel fiican baynu mraynaa Jaamacaduhuna meel fiican bay marayaa waxaan rajaynayaa inaynu ka sii horumarno” ayuu yidhi Prof Geedoole Wasiirka Wasaarada Waxbarashada.

 

w6

Ismaaciil Awcali Faarax Gudoomiya Waxbarashada ee Bariga Somaliland ayaa ka waramay Taariikhda Maxamuuda Axmed Cali “markaynu ka hadlayno Maxamuud waxaan 1903 wxuu ku dhashay miyiga burco iyo burco iyo ood weyne u dhexeeya isagoo 11 jir ah ayaa waxbarada malcaamad Berbera laga qoray, 1919 wxuu u baxay suudaan wxuu soo noqday 1930, aniga 1957 ayuu oodweyne igu Qoray Ulada ” ayuu yidhi

 

w6 w7

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray “1960 markii aynu xornimada qaadanay ayuu Maxamuud Axmed Cali noqaday Aabaha Waxbarashada Somaliland markaa maxamuud wuxuu is taahilaa in taalo loo dhiso way yartahay Jaamacada iyo Jaamacada loo dhisaa”ayuu yidhi is maaciil dhubato.

w8w9

 

Maxamed Jaamac kayd ayaa isaguna halkaasi kaga hadlay taariikhda Maxamuud Axmed Cali iyo waayihiisii

Maxamed Axmed Caynaanshe oo ah Qoraaqa Buugan ayaa ka waramay

Aniga buugani wuxuu gacantayda soo galay oo ay iisoo gudbiyeen 2010 imikana waad aragtaan Buugani wuxuu ka kooban yahay 3 qaybood oo kala ah qayb uu qoray Maxamuud Axmed Cali oo carabi ahayd oo la turjumay qayb laga suu ururiyey Ardaydiisii iyo qaybsuugaan ah.

 

 

Qoraaqa Buuga ayaa si qoto dheer uga waramay Taariikhda Maxamuud Axmed Cali iyo waayihiisii Waxbarasho isagoo ku sifeeyey inaanu Maxamuud ahayn Abaaha Wax barashada Somaliland ee uu yahay Aabahii Wax barashada Somaliyeed.

 

 

 

Wasiirka Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa dhankiisa ka waramay waxyaabaha uu ka xasuusto Aqoon yahan Maxamuud Axmed Cali isagoo ku dheeraaday qiimahaay leedahay in wax la bartaa iyo muhiimada ay leedahay in laysku gudbiyo jiilba jiilka uu ka dambeeyo sida Aqoonta looga dhaxlay aabihii tacliinta Somaliland.

 

 

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada oo isna Munaasibadaasi Khudbad ka jeediyey ayaa ugu Horay u mahad Celiyey Jaamcada Admas iyo Dhamaan Cid kasta oo gacan ka gaysatay qaban qaabada Munaasibadaasi waxaanu ka waramay Halgankii uu Maxamuud Axmed Cali  isagoo xusay inay qabado badan dhibaatooyin aad u tiro badan ka soo gaadheen waxaanu til maamay inuu naftiisa u horay sidii uu u horumari lahaan Aqoonta umadiisa.

 

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo halkaasi ka jeediyey hadalo u badnaa waano iyo guubaabo uu u dirayo Dhamaan umada reersomaliland eek u saabasan sidii loo xoojin lahaa aqoonta uu asaaska u ahaa Aabihii waxbarashada Somaliland Maxamuud Axmed cali.

w12

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here