Xuska Maalinta Akhriska Iyo Qoraalka Oo Hargeisa Lagu Xusay

0
139

Hargaysa(SDN)Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka Aduunka oo Sanadkasta La Xuso ayaa Maanta Magaalada Hargaysa Laga Xusay,waxaana Xuska Sanadkan Halku Dhig Looga Dhigay  in Kor loo qaado wax akhriska iyo Qoraalka,ujeedkuna waxa ay ahayd in Dadka dib loo Xasuusiyo Aqoonta iyo Faa’ideeda iyo Halka Akhrisku Caalamka Marayo.

Kulanka Xuska ah ayaa waxa soo qaban-qaabiyay wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare,waxaana Ka tageeray Haay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin Gaaro Ahaan Haay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan waxbarashada UNESCO,Haay’adda UNICEF Iyo CARITAS.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada somaliland Maxamed Xasan ibraahin waxaana uu yidhi.”Maanta waa Maalin Caalami ah 1965kii ayaa la Xusaa sanad kastana Somaliland waa

laga Xusaa,sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada somaliland,waxbarashaduna waxa ay ku xidhan tahay wasaarada kasta,waxbarashada waxa la doonayaa in kor loo qaado si dhabada horumarka loo qaado loogana baxo dhabada jaahilka.

Wasiirka Qorshanta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in loo baahan yahay Si ay aqoontu u kobacdo Loogana Baxo Jaahil-nimad in La qaado Dhabada Aqoonta kor loogu qaadi Karo,isaga oo Haay’addaha Wasaarada ka tageera Dhinac waxbarashada ku guubaabiyay in Ay Hormuud ka Noqdaan Arintaasi.

“Qofku inuu wax qori karo waxna akhriyi karo maaha himilo qaran oo kaliya,balse waa xaq qof waliba u leeyahay waana asaaska waxbarashada qof waliba uu leeyahay,wakhtigii hore dhaqaalahu waxa uu ku dhisnaa wax soo saarka xooga,balse maanta waxa uu u gudbay dhinac maskaxda,waxa xaqiiq ah laga soo bilaabo 1995kii ilaa maanta in Horumar wayn laga sameeyay wixii ka danbeeyay 2010kii aduunka,maanta kama Badna Rubuc Malyuun.

Sacad ayaa tilmaamay in Daraasad lasameeyay lagu ogaaday somaliland dadka wax akhriyi kara waxna qori kara in ay yihiin %50,markaas labadii qofba mid ayaan waxba akhriyin waxna qorin siday daraasadu sheegtay.

Geesta kale Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa isna cadeeyay in Ay muhiim tahay in Dadka Wax labaro Loona Baxo dadka aan aqoonta Badan lahayn eek u sugan miyiga iyaga oo laga saarayo Akhris iyo qoraa La’aanta Haysata.

“in qofka bulsho dhan waxbaraa waxa uu waxbaray dal dhan,Quraanka way ku jirtaa in dadka wax la baro,wasaarada diintuna qayb ayay ka tahay aadna waxaan ugu faraxsanay maalinta qaran,wasaarada waxaan fari lahaa in ay Miyiga awooda saraan si looga baxo qof aan wax aqoonba loona helo bulsho aqoon yahan ah.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye,wasiirka Xidhiidhka Golayaasha,Wasiir ku xigeenka Deegaanka dhamaantood waxa ay baaq u jeediyeen dadka somaliland meel-walba oo ay joogaan In midka wax yaqaan uu waxbaro midka kale sida  xarfaha  Af Somaliga Loo qoro,Si gaar ah waxay Baaq ugu jeedineysaa Bahda waxbarashada ku howlan sida Wasaaradda Waxbarashada,Maamulayaasha kuna dhiiri galiyay in Ay ubadka ku guubaabiyaan Si ay waxbarashada aanay uga Habsaamin.

Wasiirka Waxbarashada somaliland Faarax cilmi Geedoole ayaa isna tilmaamay in Sanadkan loo baahan yahay in wasaarada awooda saarto sida waxbarashada loo tayayn lahaa iyada oo laga soo bilaabayo qof yar iyo qof wayn loona dhiiri galin lahaa dadka waawayn ee aaminsan in ay waxbarashadii dhaafta.

“Wax wasaarada ka go’an in ay dhiiri galiso waxbarashada iyada oo aqoonta bulshada somaliland miyi iyo magaalo loo baahan yahay in kor loo qaado si looga baxo jahliga iyo aqoon la’aanta dhabadana loo saaro aqoonta iyo Iftiinka,sanadkan waxbarashada akhriska iyo qoraalka Xooga ayaanu saari Doonaa 

Ciidanka Baan-boyda iyo Ardayda Dugsiyada Sare iyo Kuwa Hoose ayaa Ka qayb qaadanayay Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka Aduunka kuwaas oo lug ku maray Wadada Halbolaha u Ah Caasimada somaliland ee Hargaysa,iyaga oo waynaynaya Maalinta Qiimaha Leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here