Xus loo Sameeyay mid kamid ah Dagaaladii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Dunida

0
165

Waxaa munaasabado waa weyn oo lagu xusayay Boqol Sano Guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Somme lagu qabtay Dalalka Faransiiska iyo Britain, waxaana munaasabadahan ay ahaayeen kuwa lagu xasuusanayay dadkii badnaa ee ku dhintay dagaalkaasi.

Dagaalkii cuslaa ee Somme, ayaa ahaa mid kamid ah dagaaladii ugu dhimashada badnaa ee a dhaca Dunida, waxa uuna dagaalkan dhacay qeyb ka ahaa dagaakii koowaad ee dunida ka dhacay sanadkii 1916-kii.

In ka badan hal Milyan oo qof ayaa la rumeesan yahay in dagaalka Somme ay waxyeelo dhimasho u badan kasoo gaartay shantii bilood uu socday, waxaana dagaalkan uu ahaa mid aan wali la ilaabin dhibaatadii ka dhalatay.

 

 

Xaflad balaaran oo lagu xusayay dagaalkasai ayaa lagu qabtay taallada Thiepval ee waqooyiga Faransiiska, waxaana muaasabadn kasoo qeyb galay Madax katirsan Faransiiska ,Britain , iyo wadamo kale , waxaa sidoo kale munaasabada joogay ciidamo ka kala yimid wadamada Yurub iyo Barwaaqo sooranka.

Xasuusta dagaalkii Somme ayaa Britain waxa ay u qabatay laba daqiiqo oo aamusnaan ah markii ay ku beegnayd xilligii uu bilowday dagaalkii Faransiiska, si ay u xusaan maalintii ugu dhiig daadashada badneyd taariikhda milateriga Britain oo ku beegneyd 1-dii bishii July, 1916.

Ciidamo ku dhaw 20-kun oo askari ayaa Dowlada Britain looga dilay maalintii koowaad ee dagaalkii Somme, waxaana qasaarahan uu yahay kii ugu balaarnaa ee Dowlada Britain kasoo gaara dagaal ay ka qeyb gashay.














LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here