Xulka Kubadda Cagta Puntland Oo Garowe Lagusoo Dhaweeyay

0
144

Garoowe(SDN) Soo dhaweyn aad u ballaadhan ayaa loo sameeyay kooxda ku cayaaraysay magaca Puntland ee kusoo guulaysatay koobkii maamul goboleedyada ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho  ee caasimadda Somalia.

2

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa xubno katirsan golaha wasiirrada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kooxda kaga hortagay garoonka diyaaradaha Canoco halkaasoo looga soo galbiyay caasimadda Puntland.

3

Waxaa xusid mudan in tiro badnida gawaadhida ay adkayd in xowli fiican ku socdaan baabuurto iyadoo sababtay in muddo jidka kusoo jiraan islamarkaana dhinacyada kasoo galbiyaan baabuurta dadweynaha.

18

Kabtan kooxda Cabdisalaam Dhiidhiyo ayaa Koobka kor u lulayay, waxaana mar aan dareenkiisa weydiinay noo sheegay inuu ku faraxsanyahay guushooda isagoo u mahadceliyay shacabka Puntland ee taageerada la garab taagnaa.

20

Shacabka reer Muqdishu ayuu u mahad-celiyay isagoo tilmaamay inay u muujiyeen Somalinimo iyo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo.

Madaxweyne Gaas ayaa laftiisa bogaadiyay guusha dhalinyaradu usoo hoyiyeen Puntland, wuxuuna madaarka diyaaradaha Canoco ku ruxay Koobka isagoo ku dhawaaqayay “Guul Puntland Guul”.

Kooxdan ayaa cayaartii Finalka ka guulaysatay dhigooda Puntland iyagoo ku garaacay Gool ku laad 5:3 ahaa.

Waa markii ugu horraysay ee la qabto koobka maamul goboleedyada ee ay qaatay Puntland oo 01 Augusto u dabaal dagi doonta 18 guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda.

1

4567891011121314151617
19
2122

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here