Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Dawlada Sucuudigu Dib U Furayso Dhoofka Xoolaha Somaliland

0
263

Hargeysa(SDN)Wasiiru dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland mudane Cabdirashiid Riyo Raac ayaa ka dhawaajiyey wakhtiga ay dawlada Sucuudigu dib u fureyso dhoofka xoolaha Somaliland uga imaan jiray oo ay dhawaan hakad galisay.

 

 

Mudane Riyo-raac waxa uu sheegay in dawlada Sucuudigu  ay dib u fureyso dhoofka xoolihii uga imaan jirey Somaliland bisha Feebarwari ee inagu soo fooda leh,waxaana uu sidoo kalena sheegay in hay’adda Somaliland kala shaqeeya baadhitaanka xaalada caafimaad ee xoolahu ay ka markhaati kaceen in aan xoolaha Somaliland laga dhoofiyaa aanay qabin wax xanuuno ah.

Wasiir Cabdirashiid Riyo-raac oo ugu horeyn ka hadlaya wakhtiga ay dawlada Suucudigu dib u fureyso dhooka xolihii somalida ayaa waxa uu yidhi

 

 

“Sidaad hore loo ogaaba xoolaha si ku meel gaadh ah ayaa loo hakiyey,xanuuno waa wayn oo runtii la helayna ma  jiraane ee xoolo laga shakiyey ayuunbaa lagu joojiyey si ku meel gaadh ah,xoolaha waxa lagu rajo wayn yahay in bisha labaad ee sanadkan la furo insha alllah,waxa kale oo ay wasaaradda xanaanada xooluhu ka shaqaysa waxa jira hay’addo caalami ah oo UN-ta ah,oo dhiiga qaada oo xoolaheena la socda,dhamaantood warbixintii aanu u dirnay markhaatigii ayay fureen in xoolaha Somaliland aanu xanuun jirin,cid walbana way la xidhiidheen Sucuudigana way u direen,sucuudiguna hadda wuu ka dharagsan yahay in aan xoolaheenu bukin oo aanay xanuuno qabin,xoolaha insha allah si dhakhso ah ayaa loo furayaa hadii alle idmo”sidaas ayuu yidhi wasiir Riyo-raac.

Sidoo kalena wasiiru dawluhu waxa uu sheegay in dawlada Sucuudigu ay dalka Somaliland usoo direyso dhakhaatiir baadhitaano ku samaynaya xoolaha Somaliland,warkaas oo ay dhawaan shabakada wararka Ramaasnews idin soo baahisay,waxaana uu wasiirku yidhi sida tan

 

 

 

“Dawlada Sucuudigu waxa uu soo dirayaa markii aan la xidhiidhnay ganacsatadii iyo dawladii Sucuudigaba dhakhaatiir baadha oo hubisa xogta xaqiijisa oo xoolaha Somaliland ku baadha,marka ay baadhaan ee ay xaqiiqda qaadaana xoolaha insha allah waa la furayaa,dhakhaatiirtan uu  Sucuudigu soo dirsanayona waa kuwo u socda hubin uun iyo inay baadhaan xoolaha Somaliland ogaadaana xaqiiqada rasmiga ah”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiiru dawlaha xanaanada xoolaha Somaliland mudane Cabdirashiid Riyo-raac.

Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii ay dawlada Sucuudigu hakad galisay xoolihii uga imaan jiray dhulalka Somalida,kuwaas oo ay sheegtay in laga helay xanuuno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here