Xukumadda Oo Shaacisay Sababta Ka Dambaysay Inay Hawadda Ka Saarto Fm-Tii Idaacada VOA-Da

0
199

Hargeysa(SDN) Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe cabdi ciise Shine ayaa cadeeyaay in ay xukumada Somaliland Bakhtisay FM Laanta Afka Somaliga ee VOA Gudoomiyaha Gobolka Gabiley aayaa Qoraal Uu Soo Dhigay Barta Xidhiidha Bulshada ee Facebook uu Ku sheegay inay ka war heleen madax VOA Oo Wada Kala Qaybinta Bulshada

 

 

 

 

“Waxa jirta in ninka ka masuulka ah Idaacada VOADA ee Yabarow la yidhaah uu dalka Jabouti ka bilaabay tababar uu isugu keenay dhalin yaro wareyayaal ah uu sheegay inuu u qoraayo Gobolada Buuhoodle, Sool iyo Awdal oo u diyaarinaayo sidii ay u kala qaybin lahaayeen shacabka reer Somaliland oo ummadda walaalaha ah loogu kala beeri lahaa naxli iyo cuqdad, Haddaba kolkii ay arrintaasi soo if baxday waxa Wasiirka wasaarada wardaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo rugcadaa saxaafiya ahi uu qaaday tallaabo lagaga hortagaayo qorshaha guracan ee uu wado Yabarow, taasi oo ah in hawada laga saaro FMtii uu tiilay dalkan Jamhuuriyada Somaliland, Waana tallaabo horey loo qaaday oo ka duwaysa jidka cadowga qarsoon ee duulaanka ku ah dalkeena.” Ayuu Masuulkani Qoraalkiisa ku yidhi

 

Geesta kale ilaa hadda Wax war ahi kama soo bixin maamulka Idaacada VOA-Da

 

 

Maaha markii ugu horaysay ee 5-Sano oo ay jirto xukumadda SIILAANYO Sidan oo kale iridaha loogu laabo haayad warbaahineed Ilaa hada waxa xidhan wargeys-yada Haatuf iyo Somalilandtimes

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here