Xukumadda Oo Bookhatay Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera

0
145

Berbera(SDN)Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim iyo wefti uu hogaaminayo ayaa bookhday xarunta Kaydka haamaha shidaalka Berbera, halkaasi oo ku tagay kormeer indho-indhayn ah.

Haamaha Shidaalka

Wasiirka oo uu weheliyo kuxigeenkiisa Bashiir Cabdi Xariir, ayaa maamulka Haamaha iyo shaqaalaha la yeeshay kulan xogogaal u noqoshada xaaladda Haamaha shidaalka ah, halkaasi oo ay ku kala war qaateen labada dhinac.

 

Weftiga oo Hargeysa dib ugu laabtay ayaa socdaalkiisu la xidhiidhaa Haamaha shidaalka oo muran ka dhashay ganacsato lagu wareejin lahaa, iyadoo la filayo in xukumaddu waddo  dardar galinta hanaanka ay ku doonayso in haamaha lagu wareejiyo Shirkaddaha shidaalka keena dalka.

 

Golaha wakiillada ayaa xukumadda ka hor istaagay heshiis lagu wareejin lahaa gacan ku haynta kaydka haamaha shidaalka Berbera, kadib markii qorshahaasi goluhu 30-kii bisha dhammaatay qaraar ku hor istaagay, balse madaxweyne Siilaanyo ayaa isna dhankiisa diiday go’aankaasi, waxaana hadda la dhawrayaa talaabada goluhu ka qaado arrintaasi.

 

Dhinaca kale waxaa la sheegay in xukumaddu saluugsan tahay maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali, kadib markii ay ku tuhuntay inuu wakiillada siiyay xogo ku saabsan wax soo saarka haamaha shidaalka, taas oo sababtay in goluhu hor istaago qorshaha xukumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here