Xukumada Somaliland oo Sheegtay in aanay ka Noqonayn Go’aanka Isku Socodka ee ay Somaliya ka Cabanayso

0
151

Hargeysa(SDN) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay si adag uga Hadashay Xayiraaddii ay Dowladda Somaliya ku soo Rogtay Duullimaadyadii isaga gooshi jiray Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeysay Somaliland inay u dhaqmayso sidii waddan ka madax-banaan Somaliya inteeda kale.

 

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya. “Waa hawl u taalla Soomaaliya, annagu shuruuc baanu soo saarnaa Shuruucdaasina waxay sheegaysaa inaanu laba wadan kala nahay in si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loosoo noqdo Sida; Waddamada Jabuuti iyo Itoobiya haddii ay iyagu dadka kala Xayirayaan oo ay ka go’an tahay inaanu kala xidhano waa hawl iyaga u taalla annagaaba jecel,” ayuu wasiir ku xigeenka Amniga oo u waramay Idaacadda VOA-da yidhi.

 

 

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Muuse Diiriye, wuxuu intaa ku daray. “Annagu qorshahayagii hore ayaan wadanaa haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taala ninka reer Somaliya ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisii, kii aan hore u haysan ee aanu Go-home siinaa wuu tagi, ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagaya waanu siinaynaa haday soo celinayaan iyaga ayay u taalla.” Hadalkan ayaa ka danbeeyey kadibTaliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jindisyada Somaliya, C/laahi Gaafoow Maxamuud oo ku dhawaaqay inay ku wargeliyeen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay joojiyaan daba-yaaqada bishan Federaayo duullimaadyadii ay rakaabka ugu qaadi jireen magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here