Xogo Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Feedhkii Maayirka Gabiley

0
929

Hargeysa(SDN)xogaha ay shabakada Suradnews helayso ayaaa ah sheegaya sababaha keenay gacan ka hadalkii dhex maray Maayirka Gabiley iyo xisaabiha guud ee gobolka kaasi oo ku saabsanaa kadib markii ay magaalada yimadeen xubno ka socda hanti dhawrka qaranka kuwaasi oo dabagal ka waday degmooyin dhawr ah oo ay ka mid ahayd gobolka Gabiley kaasi oo wakhtigaa uu maayirku ka maqnaa magaalada waxaana la sheegay sababaha keeney gacan ka hadlaku in ay ahayd in uu maayirku xisaabiyaha u waydiiyey sababaha uu ula soo socodsiin waayey Hanti dhawrka soo galay gobolka kuwaasi oo ku wajahnaa xarumaha dawlada gaar ahaan xarunta dawlada hoose.

 

Waxaanay hubiyeen waraaqo iyo isticmaalka kharashaad yaalay xafiisyo dhawr ah kuwaasi oo xogo badan ku ogaaday in ay jiraan qaladaad badan waxaanay sababtay in uu arintaasi ka cadhoodo maayirka Gabiley Maxamed Amiin Cumar taasi oo dhalisay gacan ka hadalka Mr.  Shucayb Oo ah Xisaabiyaha wasaarada Maaliyada u jooga Gabiley.

 

Xoguhu waxa ay intaasi ku darayaan in ay soo baxayaan dhaqaale faro badan oo ay hanti dhawrku heleen in si qaldan loo marin habaabiyey kuwaasi oo ay ka mid tahay dhaqaale gaadhaya 50,000,000 Milyan oo shilin Somaliland ah oo maalin kasta ku soo dhaca dhakhliga guud ee Dawlada hoose balse aan dhigaal noqon.

 

Waxaanu dhawaan idila wadaagi doonaa Waraaqo cadayn u ah qaladaad dhawr ah oo jira iyo waliba hanti faro badan oo ka maqan xarunta dawlada hoose ee Gabiley iyo sababaha ay u baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here