Xogaha Ay Suradnews Helayso Oo Ah In Shaqaalihii Nile Acedemy Loo Diiday Inay Raacaan Diyaarada Turkish Airweys

0
81

Hargeysa(SDN) Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka ambabaxay tiradii ugu badneyd shaqaalaha heyadda Nile Acedemy ee wadanka Turkiga.

Heyaddan ayaa waxaa iska leh wadaadka lagu magacaabo Fathulah Gulen ee ku nool dalka Maraykanka kaasoo dowlada Turkigu ku eedeysay inuu ka dambeeyey afgembigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay dhowaan, waxaana dalka ka eriday dowlada Somalia iyadoo loo qabtay muddo todobaad ah.

 
Goob joogayaal ku sugan garoonka Aadan cadde ayaa Shabakada Allbanaadir u xaqiijiyey in shaqaalaha heyaddan ay saaka raaceen dayuurad ay leedahay shirkadda dayuuradaha Jubba Airweys oo u qaaday magaalada Dubai.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili saaka ay garoonka Aadan cadde timid dayuurada Turkish Airweys oo halkaas ka qaaday rakaab Soomaali iyo ajaaniib kaleba leh, iyadoo duulimaadkeedu ahaa mid toos uga dagaya magaalada Istanbul.

 
Saraakiil ka tirsan garoonka Aadan cadde oo ka gaabsaday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in maamulka shirkadda dayuurdaha Turkish Airweys ay diideen iney qaadaan shaqaalaha heyadan Nile Acedemy sababo la xiriira amar kaga yimid dowlada Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here