Xog Xasaasi Ah:-Waa Kuma Masuulka Lagu Badalayo Wasiirka Maaliyada Somaliland

0
3041

Hargeysa(SDN)Kulama kala duwan oo ka dhacay aqalka madaxtooyada somaliland oo lagu lafo gurayey sidii loo badali lahaa wasiirka maaliyada kaasi oo ku fashilmay xilkii uu qaranka u hayey ayaa waxa soo baxaya in kulan ay fooda is dareen wasiirka wasaarada maaliyada somaliand iyo masuuliyiinta ugu saraysa qaranku ay iska xog waraysteen xaalada ganacsatada ee soo cawday,dhibaatada dhaqaale ee uu saameeyey shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay iyo waliba habacsanaan weyn oo ku timid miisaaniyadii dalka.

 

hadaba xogaha ay helayso Suradnews ayaa sheegay in dhawaan la badali doono wasiirka wasaarada Maaliyada kaasi oo la filayo in lagu badalo Cabdikariin Axmed Mooge oo sida la sheegay uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u arko in uu wax weyn ka badali doono hanaanka shaqada iyo shaqaalaha ee wasaarada horumarinta maaliyada oo ah wasaaradaha ugu balaadhan qaranka, geesta kale waxa soo baxaysay in dhaqaalaha baahsan ee laga qaado Shacabka lagu bixiyo sidii xayeysiisyo caalami ah loogu samayn lahaa oo aan micno buuran u lahayn qarankani somaliland kuwaasi oo la xidhiidhay shirkada caalamiga ah ee GOOGLE.

 

Mudane yuusuf oo ah masuulka ugu sareeya Wasaarada maaliyada ayaa sida ay shaqaaluhu noo sheegeen waxa kale oo uu cadaadis badan saaray dhamaan shaqaalihii hore u joogay siiba qaar ka mid ah oo ah kaasi oo sida ay shaqaaluhu noo sheegeen uu hore wax yaabo kala duwan uga tirsanayo.

 

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa cadaymo kala duwan oo ah dayaca shaqada iyo meelo badan oo kharashaad lagu bixiyey iyadoon wax faaiido ah qarankani ugu jirin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here