Xog Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Bixinta Darajada Sareeye Gaas + Muran Ka Dhashay

0
541

Hargeysa(SDN)Xogo xasaasi ah oo ay shabakada Suradnews heshay kuwaasi oo ilahaasi u dhuun daloolaan xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in khilaaf weyni ka imid bixinta darajada Sareeye Gaas oo maalintii shalay ahayd madaxwayanah somaliland Mud Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska C/laahi Fadal Iimaan oo hore u ahaa Sareeyo Guuto kaasi oo ahda ah Sareeyo gaas waxaanay isku darajo noqdeen taliyaha ciidanka qaranka somaliland.

Image may contain: 1 person

Xogtani ayaa tibaaxaysa in madaxwaynaha shacabku doortay waa Muuse Biixi Cabdiye uu aad uga xanaaqay bixinta darajadaas kaasi oo ku tilmaamay mid qayrul sharci ah kaasi oo sheegay in marka la bixinayo darjo sare dhamaan si siman ciidamada qaranka loogu kordhiyo geesta kale waxa uu sheegay in hanaanka loo maray darajadaasi aanay ahayn mid waafaqsan nidaamka dawlada, waxa kale oo soo baxaysa in Wasiirka madaxtooyada somalland Maxamud Xaashi Cabdi eedeeymo badan uga imadeen bixinta darajadaasi oo uu lahaa soo jeedintii lagu bixiyey.

 

Geesta kale waxa iyadna iska soo daba dhacaysa in madaxwayanaha shacabku doortay Mud Muuse Biixi Cabdi uu dibu habayn balaadhan ku samayn doono hanaanka dawladnimo iyo waliba hanaanka maamul ee ciidamada qaranka waxaan si weyn isku badalay shaqadii maalin laha ahayd ee ka socotay xarunta qasriga madaxtooyada somaliland.

 

Isha Ku Haya SuradNews

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here