Xog Ururin Balaadhan Oo Ku Saabsan Xadka Uu Gaadhsiisan Yahay Gudniinka Gabdhuhu,Aragtidda Bulshadu Ka Qabto Iyo Aqoonta Ay U Leeyihiin

0
172

Hargeisa(SDN)Dallada isku xidhka NAFIS ayaa soo bandhigtay xog ururin ku saabsan heerka uu gaadhsiisanyahay gudniinka gabdhuhu iyo aragtiyaha ay bulshadu ka qabto.

nafis

Warsaxaafadeed ay dalladu soo saartay waxay ku tidhi sidan “Sida ay qeexday Hayadda Caafimaadka Addunka ee WHO, gudniinka haweenku waa dhaawac kasta oo loo geysto xubnaha tarankooda. Dalalka ugu badan ee haweenkooda gudniin lagu sameeyaa waa kuwa ku yaala Qaarada Africa. Meela kale ayaa iyana lagaga dhaqmaa gudniinka hablaha sida Aasiya iyo Bariga Dhexe. Waxa iyana waayadan danbe lagu sheegay meelaha loo haajiro ee Yurub, Maraykanka Waqooyi iyo Australia.

Dawladda Somaliland waxa ay soo saartay siyaasad lagu tirtirayo gudniinka hablaha 2011 kii.Sidoo kale Isku Xidhka NAFIS iyo xubneheeda iyo ururo kaleba waxay isku hawleen muddo badan sidii looga badbaadin lahaa dhaqankan waxyeeladda badan. Hase yeeshee waxaa yaraa cilmi baadhisyadda ku saabsan heerka uu ka joogo gudniinka hablahu wadanka.

Hadaba waxay NAFIS fulisay cilmi baadhista ku xusan xagga sare iyadoo ay tageero ka heshay  Haayadaha UNDP iyo  KNH iyo  weliba wasaaradaha ay tooska u khusayso arrintani oo ay  ka mid yihiin Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada somaliland. Waxaa xog ururintan laga sameeyay Lixda Gobol ee waaweyn oo miyi iyo magaalaba isugu jira muddo 4 bilood ah, Waxaana la waraystay 1,986 haween da’ddoodu u dhaxayso (15-49). Iyo 25 wareysi kooxeeg oo isugu jira Dumar, rag waaweyn, rag dhallinyaro ah, hablo dhallinyaro ah, iyo dumarka ku shaqaysta xirfadan Gudniinka Hablaha.  Sidkoo kale 13 weysi haldooreed oo lagu beegsanaayay wasaarada, xirfadlayaasha caafimaad, sharciyaqaanada iyo culimada.

Heerka u marayo Gudniinka Habluhu: Waxa cilmi baadhista lagu ogaaday in 99.8% hablaha magaalooyinka jooga lagu sameeyo gudniin, halka kuwa miyiga lagu samayo 100%.

Nooca gudniinka ee loo yaqaano Fircawniga waxaa lagu sameeyaa 80% magaalooyinka, halka miyigana 82% lagu sameeyo. Go’aanka lagu gudo hablaha waxa inta badan iska leh hooyooyinka.

Aragtiyaha Bulshadu ka qabto gudniinka hablaha: Dadka la waraystay 90.5% Waxa ay aaminsanyihiin in aanay macquul ahayn in gudniinka hablaha laga guuro gebi ahaanba, waxaanay dadkaasi u  arkaan wax aan suurtoobi Karin gabadh aan la gudini. Culumaa’adiinkii la waraystay qarkood ayaa sheegay in aan hablahooda gudniin lagu samayn. Boqolkiiba sagaashan (90%) hooyooyinka la weystey waxay sheegeen in ay doorbidayaan nooca Gudniinka sunnaha loo yaqaano inay ku samayn rabaan hablohooda.

Sida cilmibaadhistu cadaysay, dhalinyaraddu waxay doonayaan in la soo af jaro gudniinka hablaha. Waxa kaloo dadkii la waraystay ay aaminsanyihiin in ay waqti dheer qaadanayso joojinta gudniinka habluhu.

Waxa cilmibaadhistu cadaysay in wacyi gelin badan ay sameeyeen ururada ku hawlan arrimaha gudniinka habluhu. Waxaanay sheegeen dadkii la waraystay in ay ogsoonyihiin dhibta uu haweenka dhaxalsiiyo gudniinku.

Waxay qirtay cilmi baadhistani in ururada aan dawliga ahayn, iyagoo gacan ka helayaa dawladda iyo ururada caalamiga ah ay waxyaaba badan ka qabteen arrinkan. Hasa yeeshee iyadoo dadku ku adagyihiin caadadan, ay qaadan doonto waqti dheer oo loo baahanyahay in aan laga daalin arrintan wax ka qabashadeeda.

Sida awgeed, waxa cilmimaadhistani ku talinaysaa in siyaasadii gudniinka gabdhaha la hir geliyo, tageero buuxdana laga helo dawladda, culimaaudiinka iyo hogaamiyayaasha bulshada. Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in manhajyadda jaamacadaha iyo dugsiyada sareba lagu ladho barnaamijyo waxbarasho oo ku saabsan arrinkan gudniinka.

Ugu danbeayntii waa in daneeyayaasha arrinka gudniinka hablaha ku hawlani ay gacmaha isqabsadaan oo meel uga soo wada jeestaan sidii   hablaha looga badbaadin  lahaa caadadan xadgudubka ku ah xaqooda, caafimaadkooda iyo qofnimadoodaba.”

Wa Billaahi Towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here