Xog Muhiim Ah:- Wasiirka Maaliyada Xukuumada Muuse Oo Shabakada Surad Heshay

0
2260

Hargeysa(SDN)Ilo ku dhaw madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in wasiirka maaliyada loo wado Daahir Warsame Yuusuf oo ah siyaasi aan laga filayn saaxada siyaasada somaliland balse ah masuul aad loogu saadaalinayo in uu qabto jagadaasi geesta kale waxa ay Habrawadaag yihiin Madaxwaynaha hada tala ka dagaya Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Tan iyo wakhtigii lagu dhawaaqay natiijada doorashada somaliland ayaa waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan arinta magacaabida wasiirada cusub ee la shaqayn doona madaxwayne Muuse balse waxaan marag madoon ahayn in bulshada reer somaliland ay si weyn ugu hamuum qabaan in si dhakhso ah loo soo dhiso xukuumad tayo leh tiro yarna leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here