Lawyacado(SDN)Wasiirka Maaliyadda ee madaxweyne Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan iyo Xoghayihiigaarka ahaa ee madaxweynaha Cali Hindi ayaa shalay kantroolka Lowyocaddo u dhaafay dhinaca Jibuuti iyagoo watay gaadhi ay ka buxaan bundado lacagta doolarka ah, labada masuul oo shalay shanti subaxnimo ka soo ambabaxay guriga cusub ee madaxweyne Siilaanyo , waxaana ay hada ku sugan magaalada Jubuuti halkaas oo ay tahriibiyeen lacagtii ay sii qaadeen.

 

Afada Siilaanyo ee Aamina Waris ayaa madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi ku balamisay inuu wasiir ka dhigo wiilka inanteeda qaba ee Baashe Morgan isla markaana wakiilnimadii Imaaraatka ee uu hayey lagu badalo Cali Hindi hase yeeshee waxa ilo xogogaal sheegeen in Muuse Biixi uu ku gacan saydhay codsigii Aamina Waris iyadoo uu Baashe Morgan cadho kaga dhoofay Hargeysa 3 maalmood ka hor una baxay Abu-Dhabi.

 

Dhinaca kale waxa soo ifbaxaya warar sheegaya inay jiraan lacago farabadan oo mucaawimo ah oo dawladda Imaaraadku u soo dhiibtay oo uu Baashe Morgan lunsaday oo masuuliintii Imaaraaku ay hadda ogaadeen in mucaawimooyin kaasi aanay Somaliland soo gaadhin oo uu Baashe ku tagrifalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here