Xog ku aadan Sababta ka Dambeysa Iscasilaadii Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya

0
160

Muqdisho(SDN)Waxaa Habeen hore shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilka Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi ,oo kamid ahaa Golihii Wasiirada uu dhawaan ku dhawaaqay R/Wasaare Cumar Cabdi Rashiid.
somalia
C/raxmaan Kulmiye Xirsi , ayaa sheegay in xilka loo magacaabay aan lagala tashan sidoo kale uusan ku qanacsaneyn Xilkaasi,waxa uuna intaasi raaciyay in aysan beeshiisa aysan ku qanacsaneyn qaabka awood qeybsiga ee lagu soo dhisay Xuuumadan Cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Iscasilaada Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga Soomaaliya ay ka dambeysay beeshiisa oo kasoo horjeeday xilkaasi ay Dowlada ka heleen kuna qasabtay Wasiirka in uu iscasilo.

Wasiirka is casilay ayaa kasoo jeeda Beesha Sheekhaal , waxaana jira qorshe ay Madaxda Dowlada wadaan oo la doonayay in xilka looga qaado Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen.Daahir Indho Qarshe oo isna kasoo jeeda beesha Sheekhaal.

Ujeedada C/raxmaan Kulmiye Xirsi loogu magacaabay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ayaa lagu micneeyay in lagu doonayay in meesha looga saaro Jen. Indho Qarshe maadaama ay isku heyn yihiin labada Masuul.

Lama oga R/Wasaaraha Soomaaliya xilka uu baneeyay C/raxmaan Kulmiye Xirsi ,in uu usoo magacaabi doono nin kale oo isla beesha Sheekhaal kasoo jeeda iyo in uu booskaasi mid ka badalan uu beesha siin doono .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here