Xog-hayaha Dawlada Hoose Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Cashuur Qayral Sharci Ay Ku Sheegeen Tagaasi Leyda Hargeysa

0
1388

Hargeysa(SDN)Xog-hayaha dawlada hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale(Nageeye) oo aanu saaka xafiiskiisa ku booqanay si aanu wax uga waydiino qaar ka mid ah tagsileyda magaalada Hargeysa oo shaqo joojin sameeyey kuwaasi oo sabab uga dhigay in cashuur lagu kordhiyey dawlada hoose ay qorshaal ugu talo gashay kuwaasi oo farta ku goday maayirka caasimada hargeysa waxaanay sheegeen in cashuurtaasi ay tahay mid aan waafaq sanayn sharciga, Hadaba si aanu wax uga ogaano arintaasi ayaa waxa aanu xafiiskiisa kula kulanay Xog-hayaha Dawlada hoose ee Hargeysa Mudane Cali Xasan Cawaale(Nageeye) oo faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u jiraan.

 

Ugu horayn waxa uu ku bilaabay( Horta cashuur kale kama doonayno ee wixii xaq loogu leeyahay ayaanu ka rabnaa taasi oo ah 15,000 Shilinka somaliland ah maalintiina waa 500 Shilin waana cashuur laga qaado Basaska,Booyadah,Iska-rogooyinka, Awalkii hore dadku waxay odhan jireen albaabada ayey la baxaan lkn qofka xiligan la soo gaadhay cashuurta waa qof raba inaanu bixin cashuurta) Ayuu yidhi xog hayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa.

 

Geesta kale waxa uu xog-hayuhu ka hadlay baaqna u diray dhamaan cid kasta oo lagu leeyahay cashuurta sanadlaha ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo bixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here