Xisbigga WADDANI Oo Maanta Munaasibad Ilyartu Is-Qabsatay Kusoo Dhaweeyay Aqoon-yahan Cabdirashiid Xasan Mataan

0
208

Hargeisa(SDN)Daawo Xisbigga WADDANI Oo Maanta Munaasibad Laysku Arkay Kusoo Dhaweeyay Aqoon-yahan Cabdirashiid Xasan Mataan Iyo Taageerayaal Galbinayay.

Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa maanta munaasibad laysku arkay waxa uu ugu qabtay Musharaxii Madaxweyne Ku-Xiggeen ee Xisbigga UCID Hotelka Ambasaddor ee Magaaladda Hargaysa.

 

 

Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Hoggaanka Xisbigga WADDANI ,Sallaaddiin,aqoon-yahanno, Xildhibaanno,wax-garad iyo taageerayaal Tiro badan,kuwaas oo galbinayay Aqoon-yahan Cabdirashiid Xasan Mattaan.

Ugu ugu horan waxa halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Guud ee Xisbigga WADDANI,MD. Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde,waxaana uu si weyn ugu soo dhaweeyay Cabdirashiid Xasan Mataan Xisbigga,waxaana uu sheegay inay dhammaan Taageerayaasha Aqoon-yahan Cabdirashiid aannay Xisbigga marti ku noqon doonin ee ay Taladdiisa goyn doonaan.

 

 

Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah Hoggaanka Xisbigga,ayaa isna sheegay inay maanta farxad u tahay inuu Cabdirashiid kusoo biro Xisbigga WADDANI,isaga oo intaas ku darray inay taasi cadayn u tahay sida Goboladda Galbeedka Somaliland ay taageeradda Buuxda ugu hayaan Xisbigga WADDANI.

Dhinaciisa Axmed Muumin Seed oo ah Gudoomiye Ku-Xiggeenka 1-aad ee Xisbigga WADDANI,ayaa sheegay in Kusoo biirista Cabdirashiid Xasan Mataan ee Xisbiggu ay xoojin doonto Midnimadda Beelaha Galbeedka Somaliland,isaga oo hoosta ka xariiqay in aan loo fasiran loollan hor leh oo ka dhex-bilamaya Xisbigga WADDANI,gaar ahaana Musharaxiinta Madaxweyne Ku-Xiggeen ee Reer Borame.

Ugu Denbeyntii waxa hadalka soo xidhay Gudoomiye Cabdiraxmaan-cirro,waxaana uu halkaas ka jeediyay Khubad taabanaysa Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Dalka,sida; Doorashooyinka,Diwaan-galinta,Abaaraha iyo Khilaafka KA Taggan Tiyaatarka Hargaysa,xadhiggii la sheegay inay Xukuumaddu kula kacday Taliyihii Saldhigga Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargaysa iyo arrimo kale.

Warar dheeraad ah oo Ku saabsan soo dhaweynta Cabdirashiid Xasan Mataan ee Xisbigga WADDANI goor dhaw ayaannu idiin soo gudbin doonaa.

w8w1w7w6w4w3w2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here