Xisbiga Wadni:-Axmed M.Seed ma U Soo Noolaan Karaa?

0
511
Sida laga warqabo Axmad Muumin Seed wuxuu ka tanaasulay inuu noqdo musharax u taagan jagada
madaxweyne ku xigeenka dalka isagoo la filaayay inuu matalo xisbiga Wadani. Go’aankaas oo laga war
heley jimcihii bishu ahayd 16-ka september 2016 markuu ka wargaliyay Gudoomiye Cirro. Arintan oo
dadka qaarkood ku sifeeyeen «dhulgariir siyaasadeed» , waxay su’aalo badan ku dhalisay
taageereyaashii xisbiga Wadani ee gobolada Galbeedka oo aqlabiyadoodu aaminsanayd in Seed
noqondoono musharaxa Xisbiga Wadani ee Madaweyne ku xigeenka dalka. Dadku waxay tuhmeen in
culays ka yimid hogaanka Xisbigu inuu sobobay in Seed hankiisii ka tanaasulo, balse waxaa gadaal laga
ogaadey in Xisbiga iyo hogaankiisu inayna waxba ka ogayn go’aanka Seed gaadhayn oo ahaa midi saga u
gaara.
Si loo shiki baxo ayaa beesha Habar Yoonis iyo siyaasiyiintooda Wadani oo Cirro ku jiro ayaa Beesha
Habar Cafaan ee Seed ka soo jeedo ku martiqaaday Huteel Ambasadoor. Halkaas waxay Cirro iyo
hogaanka xisbigu ka cadeeyeen in Seed kaligii gaadhay go’aanka. Gudoomiye Cirro ayaa cadeeyay in
Seed u keenay warqad uu qorey oo uu ku sheegaayo inuu tanaasulay, damacsan yahana inuu xisbiga ku
hadho doorashada dabadeed. Waxaa weliba madasha laga sheegay in Seed laga hayo afkiisa inuu yidhi
lacag ma haysto, xubnaha xisbigana taageero kama haysto, hadalkaasna waxaa laga hayaa Ina Daamur
oo ah shaqsi kaliya ee Seed Xisbiga kala saaxiib yahay. Waa yaab.
Waftii Habar Cafaan ee Suldaan Dhawal horkacaayay ayay arintii fajaciso ku noqotay. Seed oo madasha
fadhiyay ma baynayn ereyadii laga sheegay. Waxaa isna madsha fadhiyay musharax Cabdiraxmaan
Daahir Aadan oo Habar Cafaan ah, oo sida la sheegaayo, tartanka soo galay markii la ogaadey lixbilood
ka hor warar sheegaaya inuu Seed damacsanyahay inuu tartanka ka hadho isagoo u hanaynaaya
Maxamad Cali oo beel kale ka soo jeeda.
Kolkii xaqiiqadii la ogaadey ayuu Suldaan Dhawal si aan leexleexad lahayn uga wargeliyay Habar Yoonis
in : « kursigu ahayn mid qof ku sutan balse marka la tixraaco heshiisyada in dhex maraey waa kursi ay
leedahay beesha Habar Cafaan, beeshuna sidii ayay idiinku sheegaysaa inay kursigaas leedahay ».
Wuxuuna raaciyay intaas : « Seed hadduu taladaas gaadhay isagay u gaar tahay, balse waxaan Habar
Yoonis iyo Xisbigaba u cadaynayaa in Musharaxa Beeshu Yahay Injineer Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo
halkan fadhiya horeyna uuga warqabay tuhuno Seed go’aankiisu xaqiiqo ka dhigay ».
Shirkaas ayaa sidaa lagu soo afjarey waxaana laysku raacay in si midaysan hawlaha loo gudagalo
layskuna ogaada bisha octobar tobankeeda.
Arintoo halkaas maraysa ayaa waxaa soo shaac baxay warar sheegaaya in Seed soo rogaal celiyay isagoo
warbaahinta u sheegay in kursiga cidna ka xigin inkastuu afka ka dhowray kalmada « musharax baan
ahay ».
Isweydiintu waxay tahay maxaa keenay in Seed hadalkaas jeediyo mase u eegtahay talo xaqiiqa ah oo u
damacsayahay inuu si dhab ah u tartamo. Waxaa soo baxaaya in Suldaan Dhawal ka shaqeeyay in mar
labaad Seed la horgeeyo Wadani isagoo ka talaabsanaaya heshiishkii Hotel Ambasaadoor halkaas oo uu
afkiisa ka sheegay in Beesha Habar Cafaan caleemo saartay musharax Cabdiraxman Daahir Aadan.
Wararka ku dhowdhow Saldanada Habar cafaan ayaa qaarkood sheegayaan in Wasiiro Beesha ka tirsan
iyo dad aan sheekada la socon isku kaashadeen sidii loo horjoogsan lahaa Musharax Cabdiraxmaan
Daahir Aadan oo miisaan weyn ku leh Xisbiga kagana karaamo badan Seed oo lugaha iska toogtay.
Wararkale oo xogogaal ah ayaa shaaca ka qaadaaya in Wasiirka Waxbarashadu culays saaray Suldaanka
si dhicis looga dhigo musharaxnimada Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah nin aad ay iskugu dhowyihiin
wasiirka. Wixii Habar Yoonis laysku ogaa ayaa u muuqda in la kala direy. Niman Kulmiye u badan ayaa
ergo ahaan loogu direy Cirro, niman kaas oo lagu magacaabay goob u joogay Wasiirka Waxbarashadu. Si
ay ka noqotayba Suldaan Dhawal nimankaas ayuu fariin u faray Cirro oo loo sheegaayo in Seed bal dib
boodhka looga jafo. Cirro waxuu ugu jawaabay in taladaas dambe ahayn mid laysla ogaa.
Dhacdooyinkan ayaa u eeg qaar lagu damacsan yahay in Seed-na laga dhigo waraabe-u- taag, Habar
Cafaana Kulmiye ku wareegto, waana sida ay hoosta ka xariiqayaan xubno badan oo beeshaas ah oo ka
tirsan Wadani, markay u kuur galeen talaabooyinka u dambeeyay ee laga soo sheegaayo geesta
Suldaanka iyo kooxo ku meersan oo Kulmiye ku abtirsada.
Si kataba ha ahaatee, xaqiiqada waaqiciga ihi waxa weeyi isku da’yga ah in Seed dib loo sharaxo oo la
mid ah nin dhintay oo la rabo inuu soo noolaado. Waa arin aqliga fayoobi fahmi karin balse u eeg
shirqool siyaasadeed oo lagu waxyeelaynaayo beesha Habar Cafaan ee Wadani la jecel guusha. Hadayna
sidaas ahayn, Dhawal baa u magac bixin!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here