Xisbiga Waddani Oo Ha Kiyey Wada Shaqayntii Komishanka Dooroshooyinka Qaranka

0
349

Hargeysa(SDN)Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa hadda waxay shaaca ka qaadeen inay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay xisbiga WADDANI iyo guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland,iyada oo wakhtigan lagu jiro wakhti xasaasi ah oo ay socoto tirinta codadkii doorashada madaxtooyada Somaliland.

Saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI oo ahaa masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan komishanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in guddiga komishanku ay waxba ka qaban waayeen iskana dhago mareen cabashooyin ay xisbiga WADDANI u gudbiyeen guddiga doorashooyinka Qaranka.

 

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen waraaqo foojari ah oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo loogu codeeyey xisbiga KULMIYE,iyaga oo carabka ku adkeeyey in ay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii guddiga iyo xisbiga WADDANI.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here