Xisbiga Wadani Oo Fariin Hambalyo Ah U Diray Booliska Somaliland Sida Wanaagsan Ee Ay Uga Hawlgaleen Dhacdadii Ka Dhacday Guriga Cirro

0
300

Hargeysa(SDN)Haldooor Barkhad oo dhambaal hambalyo ah u diray ciidanka booliska somaliland iyo taliyaha ciidankaasi sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal kaasi oo ku amaanay sida wanaagsan ee ciidanka somaliland uga hawlgaleen sugida amingaa qaranka gaar ahaan dhacdadii ka dhacday guriga murashax xisbiga waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro.

 

waxaana hadaladisii ka mid ahaa(”Waxaan ka dareen celinayaa muuqaal aan ka daawaday warbaahinta oo taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan kaga hadlayey miisaanka martabada iyo micnaha ay nabad galyadu ku leedahay qaranka JSL waanu uga mahadnaqaynaa fariintaa muwaadinimada iyo dal jacaylku ka muuqdo ee taliyaha ciidanka bilayska ka soo baxday een dalkan in uu xisbiga Waddani qabsado inuu xisbiga Kulmiye dalka qabsado iyo inuu xisbiga Ucid qabsado iyo in sadexda murashax Midkood Madaxwayne noqdo waxa ka miisaan badan ilaalinta nabad galyada ilaalinta qaranimada ilaalinta walaal tinimada ilaalinta midnimada somaliland ilaalinta isku soo dhawaanshaha muwaadiniinta kala afkaarta ah ilaalinta quruxda qarankaa ka miisaan badan’‘) Ayuu Yidhi Haldoor Barkhad.

 

Geesta kale waxa uu ka hadlay in dalka Ninkii ale u qoray uu madaxwayne ka noqon doono oo ay tahay in la ilaaliyo dalka iyo  midnimada qarankan somaliland waxa kale oo uu sheegay in uu booliska dhambaal hambalyo ah u dirayo sida wanaagsan ee ay  uga hawlgaleen dhacdadii dhawaan ka dhacday gurga cabdiraxmaan ciro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here