Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Eedaha Musharaxiinta Ucid U Jeediyeen iyo Arrimo Ku Saabsan Kulmiye

0
60

Hargeysa(SDN)Guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa ku dooday inaanu Kulmiye wax lug ah ku lahayn khilaafka cakiran ee u dhexeeya hogaanka Ucid, kadib markii musharaxii iscasilay iyo musharaxa madaxweynaha Ucid sheegeen in xisbiga Kulmiye iyo xukumaddu xudun u yihiin arrimaha Ucid isku hayso.

 

Balse Jaamac Shabeel ayaa sheegaya inaanay arrintaasi lug ku lahayn, balse ay haboon tahay in xisbiga Ucid ku kala baxo shuruucdiisa. Waxa uu sheegay inay ka xun yihiin khilaafka Ucid, balse xisbiga Kulmiye ba soo maray khilaafyo cakiran.

 

Guddoomiye Jaamac ayaa sidoo kale ku dooday inaanay ilaa hadda jirin cid loo balanqaaday guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye balse la eegi doono xilligeeda cidda xilkaasi loo igman doono, isagoo sheegay in sharciga loo raaci doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here