Xirsow Wey Kuu Gaadhay Inaad Reer Gabiley Ku Sheegto Oromo

0
188

weynida ninka gaaban iyadoo uu joogo Madaxweynahu. WAxuu u heystaa xoolaha ummadda uu isagu leeyahay..ku yeee…na ammaana oo na salaaxa aan gudlanee…Waar muddo gaaban ayaa aw Gaabow ummaddu odaygan aan naanaabisay wax u dhiibatay, isna ayaan darradiisa adiga iyo haweenbaa helay.

 

Ciddi hadalkaaga maqashayba wey yaabtay weyna aragtay liidnimada dalka hagaysa.

 

Wafdi Madaxweyne oo intaas oo Wasiir ka hadlayaan lama arag oo isaga lagu kobo laba eri. hadal wacan oo laga gunto uma qoraan, wey qaawiyaan, murti ma leh, kolka iyagu ay hadalka duurxulka ah iyo murtida ay odhanayaan, isaga waxay uga tagaan mahadnaq iyo macasalaama. Taas oo dadka tusaysa inaan odaygu waxba haynin, illeyn waa kuwan hadalkiiba ka boobee.

 

Ma argateen tirada la socota ee maalkii ummadda ku tamashleynaysa Dadku wey arkaan sacabka beenta ah ee maalin qayilku uu ku hodin.

 

Ma Cabdifataax, Qabe iyo Kayse, iyo Mengistaa dad kuu keeno waxaad ku laaluushatay inay kaa aamusaan, waxaan se ogahay inay hoosta ka hadlaan, sir cusubna ay kaa heleyn, waa dhow ayaad garan waxay meesha u soo galeen. Doqonku seddex iyo toban indhood ayuu leeyahay 12 waxuu iskaga eegaa inta u dhow iyo ehelkii midna qodoxda. Waa Xirsi oo indhihiisu ma qabtaan cid aan KULMIYE ahyn oon odayga hiil u ahayn, waana sida uu ku soo xareeyey raggii shalay dagaalka la galay Madaxweynha kolka kuwii dhabarka ku siday uu albaabka ka xidhay.

 

Doqonow dabkaa be’

 

Xirsow Wey kuu gaadhay ee Oromo nagu sheeg, illeyn kowaan ogahay ayaa ku ag joogee

 

Abdi Haji Ahmed

hargeysawi@ymail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here