Xildhibaan Sheegay In Faragalin Lagu Hayo Dhismaha Xukuumada Uu Soo Dhisayo Ra’izul Wasaaraha Somalia

0
150

Muqdisho(SDN)Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan faragalin dhinacyo kala duwan ka imaanaysa oo dhibaato badan ku haya dhismaha Xukuumada Cusub.
bre
Waxa uu sheegay Xildhibaan Gaarane in Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya lagu faragalinayo dhismaha Xukuumada Cusub, waxa uuna tilmaamay caqabadaha taagan hada in ay qeyn ka tahay faragalinta lagu sameenayo Dhismaha Xukuumada laga sugayo in uu soo dhiso Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa dalbaday in Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya loo daayo dhismaha Xukuumada Cusub lagana dhaafo faragalnta, waxa uuna intaa raaciyay hadii Ra’izul Wasaaraha la yimaado xukuumada uu isagu soo xushay oon lagu qasbin in uusan Baarlamaanka caqabad kala kulmeyn.

“Caqabadda iyo culeyska xukuumadda hayo wey iska muuqataa, mar hadii qaanuunka iyo sharciga dowladda u yaalo laga leexdo, oo dhariga dadkii karin lahaa dad aan ahayn kariyaan oo gacanta lala galo waxa weeye Dharigii fara bataa wuu fuud qaraareeyaa, marka xukuumadda wey fuud qaraareynaysaa, baarlamaanka sidaas ayuu arkayaa ka dibna waxaa la leeyahay war waxaan qaraar naga daadiya, mushkiladda haysta waxa weeye fara badnida, xildhibaanada markii ay is wareystaan waxay leeyihiin hadii xukuumadda ra’iisul wasaaraha intuu qol lagalo oo loo daayo isaga ciddii uu rabo ha keenee anaga maba haysano waan sii deyneynaa, mushkiladda inaan anaga suulino rabno ayaa ah in la fara geliyo dhismaha xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan Gaarane.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa caqabad ku noqday ansixinta Xukuumada uu soo dhisay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filayaa Golaha Wasiirada Cusub in Baarlamaanka la horgeeyo Isbuuca soo socda si ay u ansxiyaan ama u diidaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here