Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

0
155

Muqdisho(SDN)Dabley hubaysan oo haybtooda la aqoonsan ayaa toogasho ku dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Waddada Maka al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu weeraray Gaari ay wateen isaga iyo Xildhibaan kale oo isagu weerarka ka badbaaday.

Alle ha naxariistee Xildhibaanka dhintay ayaa magaciisa la oran jiray Yuusuf Maxamed Dirir , waxaanu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas ay kooxdo hubeesan ku fureen gaarigii uu saarnaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu marayay wadada Maka Al-mukama.

‘’Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaan Cabdalla Boos oo la socday Xildhibaanka la dilay ayaa weerarkaasi ka bad baaday, Ciidamada Nabad Sugida ayaa qabtay gaari Nuuca Gurmadka Deg dega ee Amblance oo looga shakisan yahay in ay wateen kooxihii weerarka ku qaaday Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here