Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Kenya oo lagu dhax xirtay Xafiis uu booqasho ku tagay !!

0
116

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dalka Kenya oo lagu magacaabo Mathew Lempurkel, ayaa lagu dhax xirtay xafiis ay lahaayeen mid kamid ah Ururada aan Dowliga aheyn ee ka shaqeeya gudaha Dalka Kenya.

Xildhibaankan Kenyanka ah ayaa tagay xafiis ay lahaayeen Hay’ad xanaanaysa caruurta wadno xanuunka qaba, waxa uuna Xildhibaankan horey ugu eedeeyay Hay’adaasi in ay dagan tahay dhul sharci daro ah ay boobeen.

Shaqaalaha Ururkan oo lagu magacaabo Ndugu Zanguni , ayaa xafiiskooda dhaxda uga xirtay Xildhibaankan kusoo booqday, waxa uuna Xildhibaanka uu xafiiskaasi ku xirnaa in ka badan 24-saacadood.

Xildhibaanka ayaana markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo xafiiskii lagu dhax xiray, waxa ayna sheekadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Kenya ayna warbixino kala duwan ka qoreen Warbaahinta dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here