Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Meesha Ka Saaray Inaanu Jirin Wax Khilaaf ah Oo U Dhexeeya Isaga Iyo Guddoomiye Cirro, Cambaareynna U Diray Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Wararka

0
212

Hargeysa(SDN)Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ahna Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si rasmiya uga hadlay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay isaga guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxaana uu sheegay inaanay jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI “Saxaafaddu waa inay ilaalisaa anshaxa saxaafadda iyo dhaqanka saxaafadda, tifaftiraha wargeyskaas ama mareegtaasi waxaa uu sameeyey faallo aan sal iyo raad toona lahayn waa wax uu caqligiisa ka helay oo uu buun-buuniyey oo been caddaan ah oo uu soo daabacay dalka gudihiisa iyo debaddisaba waa laga akhrisey”

 

 

 

Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Warkaa ummaddiibaa la yaabtay anigiibaa yaabay warka meesha uu ka keenay mala awaalka ah, haddaad wax sameyneyso wax run u eeg ayaa la sameeyaa ma ogtahay, haddaad wax qiyaaseyso, wax aan marnaba dhicin oo aan aniga iyo guddoomiyaha suurto galnaba ahayn inay waxaas oo kale na hor yimaadaan ayuu ka sheekeeyey”Ayuu yidhi Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

 

Dhinaca kale Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa shaaciyey mareegta baahisey warka ah khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiye Cirro, dhinaca kalena cambaareyn u diray”Waxaas oo kale waa wax anshaxii saxaafadda ka baxsan, oo aad u fool-xun waan cambaareyney mareegtaa la yidhaahdo TOGA-HERER ee qoraalka noocaas ah sameeyey,waxaan leeyahay ka waantoow oo wararkaagu mar walba xaqiiqda haku saleysnaadaan” Ayuu yidhi Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

 

 

 

Mar ay warfidiyeenadu wax ka weydiiyeen Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ahna Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu is-bar-bar dhig ku sameeyo khilaafka xisbiga UCID haatan ka dhex aloosan iyo markii uu ka tirsanaa sannadkii 2012-kii ayaa waxaa uu yidhi “Aad iyo aad ayey ukala xoog badan yihiin dee kan heshiisyo gaar ah ayuu ku saleysnaa, kaasi wuxuu ahaa khilaaf xisbiga gudihiisa ka dhashay, laakiin kan heshiiyo la wada galay ayaad mooddaa inuu daba ku hayo oo ku saleysan yahay musharrax madaxweyne ayey immika hawshiisu hadda ka taagan tahay”

 

 

Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Sidaas darteed waxaan u arkaa khilaafkaasi inuu ka xoog badan yahay,kii anigu aan berigii hore aan ka mid ahaa ee xisbigaasi (UCID)soo kala dhex galay,waxaanse leeyahay mar walba wixii heshiiska lagu ahaa ha lagu dhammeeyo khilaafkaa” Ayuu yidhi Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

 

 

 

Dhinaca kale Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa faah-faahin ka bixiyey buugga qabyo qoraalka xisbiga WADDANI ayaa waxaa uu yidhi “Had iyo jeer barnaamijyada ay xisbiyadu soo saaraan waxay ahaayeen barnaamijyo kooban, oo xubno kooban oo xisbiyada ka tirsani inta ay meel fadhiistaan ay soo saari jireen”

 

 

Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sharraxaadiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Annagu waxaanu isla garaney markii aanu ka shirney ee aanu aad uga fikirney inuu ahaado barnaamij xambaarsan baahiyaha bulshadu ay qabto oo dhan, sidaasdarteed in qabyo qoraal laga dhigo oo ummadda loo soo bandhigo,si ay uga wada qayb-qaataan oo qof waliba halkii uu ka damqanayey uu dareensanaa tahay lagama maarmaan inuu ku soo darsado,markaa waa buug u furan,bulshada reer Somaliland oo dhan,xattaa maaha WADDANI oo kaliya bulshada reer Somaliland oo dhan ayuu u furan yahay,waayo ka lagu dhaqi doono marka aanu dawladda la wareegno INSHA ALLAAH ama xukuumadda la wareegno”

 

 

XIllibaan Ibraahim ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “Sidaa darteed waxaan leenahay jaanis baad haystaan bulshada, fursaddaasina waa fursad hore aanay xisbiyadu u bixin jirin, annagu laakiin waxaanu garaney inaanu fursaddaas siinno bulsho-weynta reer Somaliland”Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xillibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here