Xiddig Dunida caan ka ah oo Markasta Muujiya Jaceylka uu u qabo Diinta Islaamka

0
131

Mid ka mid ah laacibiinta u safta kooxda As Roma ee horyaalka dalka Talyaaniga ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu mar kasta gacmaha ku sito kitaabka Qur´aanka Kariimka kaas oo xiliyada safarka la raaco Diyaarada dusheeda iyo Basas-ka kooxdiisa .

Mohamed Salah oo kooxda As Roma iyo Qaranka Masar uga ciyaara dhanka Qadka dhexe ayaa waxaa warbixin dheer ka qoray Jaraaidka Corriere Delle Sera waxaana xiddigaan lagu sheegay in uu maalin kasta la safro gacanta ku qaato ugu yaraan hal ama labo Kitaabka Qur´aanka Kariimka ah .

Ciyaaryahan Mohamed Salah oo ahlu Diin lagu sheegay wuxuu sidoo kale caan ku yahay in uu dhulka salaad Sujuudo marka uu kooxdiisa Goolal u dhaliyo , waana Xiddig Sooma maalin kasta oo Isniin ah sida uu shaaciyay Jaraaidka Corriere Delle Sera .



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here