Xasan Xanafi Xaaji Oo Maanta Goor Dhaweyd Mar Kale Xukun Dil Ah Lagu Ridey

0
117

Muqdisho(SDN)Wararka ka imanaya magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in maanta Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa saaka mar kale xukun dil ah ku riddey Wariye Xasan Xanafi Xaaji, kadib marii uu racfaan ka qaatay xukunkii hore loogu riday.

Maxkamada Darajada Koowaad ayaa 3-dii bishii Maarso waxa ay xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi Xaaji, oo loo heystay dilka Wariyaal badan oo ka howlgali jirey magaalada Muqdisho kuwaas oo uu qaarkood qirtay in uu dilkooda ku lug lahaa.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa racfaan ka qaatay xukunkii hore ee dilka ahaa ee maxkamada darajada koowaad ku riday, hasa ahaatee Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida oo mar kale u fadhiisatey kiiska Xasan Xanafi ayaa mar kale ku riday xukun dil ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here