Xasan Shiikh oo soo gebagebeeyey safarkiisii magaalada Baydhabo

0
181

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogay maalmahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada degaanadaasi.

Madaxweynaha oo sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal ayaa la aaminsan yahay inuu kulamaadaas ku hoos wado ololohiisa doorashada.

 
Kulamadii ugu dambeeyay ayuu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.

Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.

 
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo damacsan inuu hogaanka si hayo afarta sano ee soo socota ayaa qeybaha bulshada uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho.











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here