Xasaasi:- Mareeyaha Wakaalada Hargeysa Oo Isku Badalay Madaxa Kambaynka Kulmiye Ee 26 June Xili Hargeysa Biyo Laan Badani Ka Jirto

0
175

Hargeysa(SDN)Maareeyaha socod baradka ah ee wakaalada biyaha hargeysa oo shaqadisii ku badalay shirinta dhalinyarada ama kooxaha ka dhisan hargeysa kaasi oo ku dhiiri galiya sidii ay uga mid noqon lahayeen xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye xili magaalada hargeysa biyo la’aan baahsani ka jirto.

 

 

Maxamed Cali Axmed (Daarood) waa maareeyaha socod baradka ku ah siyaasada Somaliland kaasi oo uu madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu magacaabay inuu noqdo maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa, balse noqday masuul ka dhex-Ololeeya hargeysa oo gabay xaaladii biyo yaraanta ee awal, ka jirtay Hargeysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Masuulkani oo ah masuul dhalinyaro ah oo bulshada magaalada hargeysa hamuum weyn u qabtay in uu wax ka qabto biyo yaraanta magaalada hargeysa ayaa gabay xilkiisii, Xaafada Daruuraha magaalada hargeysa oo ka mid ah Degmada 26 June waxa ka jirta biyo yaraan baaxad weyn leh taasi oo ay ka cabanayaan bulshada xaafadaasi ku dhaqan dhuuntii xaafadaasi tagaysay oo loo leexiyey xaafad ay isku dhow yihiin maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa.

Muuqaalkani hoose waxaad ku daawan doontaa bulsho weynta ku dhaqan xaafadaasi oo si weyn uga cabanaysa Mareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa.

 

Maxaa ka dhexeeya ololaha qarsoodiga ah ee uu mareeyaha wakaalada biyaha hargeysa ka dhex wado xaafadaha magaalada Hargeysa Iyo dhalin yaro ku dhaqan xaafadahaasi oo uga awood roonaday in ay hantiyaan amaba ay kasbadaan dhalinta ku dhaqan xaafadahaasi.

 

 

Degmada 26 June gaar ahaan xaafada Idaacada oo ah halka uu dagan yahay mareeyaha socod baradka ah ayaa waxa ka jira loolan adag oo u dhexeeya mareeyaha wakaalada biyaha iyo dhalinyaro firfircoon oo ka dhex hilaacay xisbiga waddani kaasi oo sida aanu warar xogogaal ah ku helayno maalinta bari ah loogu samayan doono xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo dad miisaan culus ku leh xisbiga kulmiye oo u diga rogtay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaasi oo hantiyey quluubta iyo maskaxda dhalinyaradaasi firfircoon oo u ololyeeya xisbiga waddani.

 

 

Dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa oo aad uga cabanaya biyo la’aanta bahsan ee ka jirta caasimada iyo waliba sidii loogu hamuum qabay in mar uun la helo biyo ku filnaada caasimada Hargeysa, hay’adda UN-HABITAT oo gacanta ku haysa mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda ayaa ilaa haatan wax war ah oo buuxa ka soo bixin kaasi oo u muuqda mid hawl gab ah mashruucaasi.

 

 

Qoraalo taxane ah oo soo bandhigaya arimaha cusub ee siyaasiga socod baradka ah ee Maxamed Cali Axmed (Daarood) uu la soo baxay iyo waxa iska badalay shaqadii wakaalada biyaha hargeysa kala soco mareegta caalamiga ah ee Suradnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here