Xaruntii Ololaha Hillary Clinton ee magaalada New York oo lagu kala cararay

0
123
U.S. Democratic presidential candidate Hillary Clinton leaves her daughter Chelsea's home in New York, New York, United States September 11, 2016, after Clinton left ceremonies commemorating the 15th anniversary of the September 11 attacks feeling "overheated." REUTERS/Brian Snyder - RTSN8YJ

Xaruntii ololaha Musharaxa xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa mar qura lagu kala cararay, kadib markii xaruntaasi lagu dhax arkay Baqshad ay ku dhax jirto budo cad aan la ogeyn waxa ay tahay .

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahineysay in xarunta ololaha ee Hillary Clinton oo kutaala magaalada Ney Yourk lagu kala cararay , waxaana halkaasi laga daad gureeyay dhamaan shaqaalihii xaruntaasi ku sugnaa.

 
Telefishanka CNN ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa baahisay in Baqshad ay ku jirto budo cad lagu arkay gudaha xarunta ololaha Doorashada Mss Clinton, waxaana budadaasi la arkay abaaro saacada markay aheed 17:00 xiliga dalka Mareykanka.

Ciidamada booliiska magaalada Ney Yourk ayaa xiray xarunta lagu kala cararay, waxa ayna booliiska halkaasi ka qaadeen bashqada ku jirtay budada cad, waxa ayna baaryaana waxa ay tahay budadasai oo laga cabsi qabo in ay tahay kiimiko ama sun .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here