Xarumaha Shaqadoon Iyo Somali Jobs Oo Qayb Ka Ah Xoojinta Dhalinyarada Ay Muqdisho Ku Geeyaan

0
48

Hargeysa(SDN) 07/01/2018 Xarumaha Shaqadoon iyo Somali jobs oo u ololeeya sidii ay shaqo abuur iyo waliba goobo shaqo ugu soo ban dhigi lahayeen ardayda ka baxdaay jaamacadaha ayaa fadhigoodu yahay magaalada hargeysa kuwaasi oo intii ugu danbaysay ay ka shaqaynayey gacan haadinta iyo sidii ay dhalinyarada u tusi lahayeen fursadaha ka banaan magaalada muqdisho taasi oo horseed u ah in ay abuurto qul qulatooyin aad u xiisaynaya magaalada Muqdisho oo ah cududii Somaliland lahayd.

Geesta kale waxa ay marag u tahay sida weyn ee ay ugu ololeeyaan in dhalinyaradu ay shaqooyin uga raadsadaan Somaliya waxaana aad arkaysa marka aad booqato goobaha iyo waliba baraha ay ku leeyihiin mareegaha warbaahinta in ay aad uga shaqaynayaan sidii ay dhalinyaradu qayb uga noqon lahayd hawlaha ka socda Somaliya oo ah wadan ay xurguf adag dhex martay Somaliland.

Xarumahan oo fadhigoodu yahay hargeysa ayaa wali aysan xukuumadu ku baraarug sanayn sidii ay daba gal iyo eegid gaar ah uga samayn lahayd dhaq dhaqaaq yada kala duwan ee ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here