Xaqiiqda qarsoon ee Black & White Challenge accepted W/Qorray Guuleed Cali Cabdi Jabane.

0
384

Arinta Baryahan Danbe Baraha Bulshada Gaar Ahaan Facebooga Aadka Loogu Hadal Hayay Ee ‘’Black & White Challeng Accepted’’

Oo Aan U Haystay Inay Ka Bilaabantay Gayiga Soomalida,

Laakiin Baadhis Aan Sameeyay Markii Danbe Aan Ku Ogaaday Inay Tahay Arin Caalimi Ah Oo Wareer Ku Riday Maskaxaha Dadyow Badan Oo Dunida Ku Nool.

Haddaba Arintan Oo Soo Bilaabantay Bishii August Ayaa Se Dhulka Somalida Soo Gaadhay Maalmihii U Dambeeyay Ee Bisha September Ayaa Waxa Bilaabay Koox Dhowr Qof Ka Kooban Iyaga Oo Sawiradooda Ka Dhigaya Cadaan Iyo Madaw (Bilaa Kalar)

guuleed-cali-cabdi-jabane

Soona Dhigaya Barahooda Ay Facebooga Ku Leeyihiin Kuna Carinaya Asxaabtooda Inay Ka Soo Fal Celiyaan Arintan Iyaga Oo Iyaguna Soo Dhigaya Sawiro Kuwan La Mid Ah Oo Bilaa Kalar Ah,

Taas Oo Ay Sheegeen Inay Uga Dan Leeyihiin Inay La Dagaalamayaan Ama Bulshada Ka Wacyi Galinayaan Guud Ahaan Xanuunka Caner-Ka; Gaar Ahaan Ka Naasaha Dumarka Ku Dhaca.

Iyada Oo La Arkayay Dad Badan Oo Soo Dhigayay Sawiro Kali Kali Bilaa Kalar Ah Ayaa Haddana Mararka Qaar Muuqanayay Ashkhaas Iyaga Iyo Aydoodu Soo Galaya Sawirada Layskaga Qaado Kamarada Hore Ee Mobileka (Selfie) Oo Bilaa Kalar Ah

Si Ay Uga Fal Celiyaan Ama Ula Wadaagaan Asxaabtooda. Inkastoo Kooxdii Arintan Ka Danbaysay Sawirada Ay Soo Galayeen Ku Lifaaqayay Fariin Kooban Oo Ahayd “Aynu Soo Dhigno

Faceboogyadeena Sawiro Cadaam Iyo Madaw Ah (Bilaa Kalar) Si Aynu U Muujino Dagaalka Aynu Kula Jirno Xanuunka Cancer-Ka’’.

Laakiin Fariintaa Oo Markii Danbe Dabar Go’day Iyadoo La Arkayay Sawiro Kaliya Oo Bilaa Kalar Ah Oo Ay Ku Qoran Yihiin

‘’Black & White Challenge Accepted’’. Arintan Oo Ay Aad U Falanqeeyeen Qaar Ka Mid Ah Jariiradaha Ugu Caansan Ingiriiska Sida Mirror Iyo Metro Ayaa Sheegaya In Dad Badani Ku Andacoonayaan Inay Arintani Khusayso La Dagaalanka Cancerka;

Halka Ay Dadka Qaarkii Sheegayaan Inaanay Cadayn U Jeedada Ka Danbaysay Arintani.

Mashruucan Oo Mar Dambe Soo Gaadhay Dhulka Somalida Ayaa La Arkayay Dad Badan Oo Somali Ah Oo Si Dag-Dag Ah U Aqbalay Kana Fal Celiyay Dhacdadan Iyagoon War Ka Hayn Ujeedada Rasmiga Ah Ee Ay Salka Ku Hayso Arintani.

Guleid Ali Jabane

B.A In Political Science & International Relations

Gulledjabane@Gmail.Com

00252 63 4464939/ 65 9942015

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here