Xaflada Balaadhan Oo Lagu Soo Bandhigayey Nashqada Iyo Hawlaha Garoonka Shulac Oo Hargeysa Lagu Qabtay + Sawirro

0
385

Hargeysa(SDN) waxa habeenkii xalay ahayd lagu soo bandhigay magaaladda hargeysa nashqada iyo qaab,dhismeedka uu yeelan doono garoonka labaad ee kubada cagta magaaladda hargeysa ee Shulac oo  ah garoon baaxadiisa leh looguna talo, galay in ay ku ciyaaraan dhalinta Somaliland wakhtiga la dhameeyo.

Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka Maaliyada  Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cadare, Wasiirka Warshadaha Mudane Shucayb Maxamed Muuse, Wasiirka Arimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire, Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Mudane C/rashiid Faahiye  masuuliyiin ka socotay Asxaabta siyaasada ururada ka shaqeeya arimaha bulshada Xildhibaanada golaha wakiilada iyo deegaanka masuulyiin aad u tiro badan iyo waliba dhalinyaro si heer sare ah isu soo agaasimay sidii ay u muujin lahayeen dhiiranaanta iyo tageerida garoonkani cusub.

suradnews00003 suradnews00004 suradnews00006 suradnews00011

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudida gacanta ku haysa garoonkani Nimcaan Cabdi Cali kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay ciyaaraha iyo sidii ay dhalinta maanta soo kacaysa ay u heli lahayeen goobo ay ku ciyaaraan taasina uu ku tilmaamay in ay tahay waajib wada saaran dhamaan u mada reer Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahayeen wax kasta oo horsed u ah dhiiri galinta dhalinyarada waxaanu halkaasi ka sheegay lacagta guud ee ku baxaysa garoonka Shulac oo lagu qiyaasay $ 2,990,000(Laba Milyan Sagaal Boqol Iyo Saqaashan Kun Doolar).

Waxa Xusid mudan in wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ay noqotay masuulka kaliya ee sida weyn u garab taagan gudida hirgalinta garoonka Shulac oo ay miisanyada Sanadka ugu  dartay $ 400,000 (Afar Boqol oo kun oo Doolar).

 

suradnews00005 suradnews00007 suradnews00008 suradnews00009

Geesta Kale waxa halkaasi ka hadalay Wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo ku hablayeyey dhamaan gudida sida iskood ah isku xilqaamay ee wada hawsha hirgalinta garoonka Shulach oo uu ku tilmaamay in ay yihiin gudi firfircoon oo hirgalin karta amaba dhaqaajin karta hawsha baaxadaasi leh oo uu aad u dardaaray waxa kale oo uu ku baaqay in ay bulshadu si wada jir ah uga qayb qaadato.

Shirkada hirgalinaysa amaba fulinaysa dhismaha garoonka Barre Consturuction ayaa aad ugu nuux nuuxsatay sida hagar lida ah ee ay u wadaan hawlaha garoonka, waxaana hadlka sikaga daba maray Eng Waaberi oo ah engeir ka nashqadeeyey dhismaha garoonka kaasi oo halkaasi ka faahfaahiyey cabirka uu noqonayo garoonka iyo siday wanaagsan ee ay ugu talo galeen hirgalinta garoonka waxaana halkaasi lagu soo bandhigay muuqaal ka turjumaya sida uu noqonayo garoonka labaad ee Magaaladda Hargeysa, Maxamed Xuseen Barre oo ah maamulaha guud ee shirkada Barre ayaa goobtaasi ka sheegay in ay qayb ka yihiin maalgaliyayaasha garoonka gacan weyna ka qaadan doonaan sidii uu u hirgali lahaa garoonka shulac.

suradnews00014 suradnews00015 suradnews00017 suradnews00016

 

Masuuliyiinta Asxaabta siyaasada Oo ay ka kala socdeen Saddex da xisbi qaran waa Kulmiye,Waddani Iyo Ucidee waxa Goobtaasi hadalo guubaabo iyo dhiiri galin u badan ka jeediyey siyaasiyiinta, Siyaasi Tiimbaro oo isagu noqoday siyaasi gii ugu horeeyey ee deeq lacageed ku deeqa isla gudaha hoolka xaflada daasi, Cabdiqani Salaf oo ka socday xisbiga ucid iyo Daauud Foodcade oo ka socoday xisbiga waddani ayaa labadooduba ku dheeraaday in ay dhalinyarado hesho goobo ay ku ciyaaraan sidii ay uga baaqan lahayeen afaadda ba’an ee Tahriibta.

Wasiiradda Warshadaha iyo cadaaladda oo ku dheeraaday taariikhdii kala duwanaa ee ay soo martay ciyaaraha Somaliland kuwaasi oo sheegay in ay wakhtigani ay dhalinta maantu haysato wakhti fiican oo ay heli karaan adeegyo badan oo u sahlaya sidii ay uga maarmi lahayeen dhibatooyinka tahriibka iyo qaadka  oo ah in ay heli karaan garoono iyo wax yaabo kale duwan oo ay ku ciyaaraan waxayna goobta ka sheegeen in ay garab taagan yihiin hirgalinta garoonka shulca.

suradnews00018 suradnews00019 suradnews00020 suradnews00021

 

Maxamuud Shulac (Qardhab) Oo ah faamaliga bixiyey dhulka laga hirgalinayo Garoonkani ayaa ku tilmaamay wax lagu faano in ay maanta rumawday rajo ay naawilayeen mudo ku dhawaad 7 sano ah, kaasi oo ka warbixiyey xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray in garoon kani la hir galiyo.

Gebo Gebadii Waxa Halkaasi Ka Hadlay Masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha , ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha mudan C/rashiid Faahiye oo ka hadlay in xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxmud ay aad uga shaqaysay hir galinta adeegyada bulshada iyo xoojinta arimaha dhalinyaradda.

 

 

Geesta Kale Wasiirka ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane oo hambalyo u diray gudida isku hawshay hirgalinta garoonka Shulac oo uu ku tilmaamay in ay yihiin gudi firfircoon oo hirgalin karta hawsha garooka oo baaxad balaadhan leh,waxaanu sheegay in ay ka wasaarad ahaan taageeri doonaan sidii ay u garab taagnaan lahayeen gudidaasi.

Ugu danbayntii waxa halkaasi shahadooyin lagu gudoonsiiyey masuulyiin kala duwan oo lagu tilmaamay in ay ku mutaysteen si weyna u garab taagan gudida hirgalinta garoonka Shulac.

suradnews00022 suradnews00023 suradnews00024 suradnews00025 suradnews00026 suradnews00027 suradnews00028 suradnews00029 suradnews00030 suradnews00031 suradnews00032 suradnews00033

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here