Xaflad Casho Sharaf Ah Oo Ilyartu Is-Qabsatay Oo Lagu Mahadnaqayey Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
175

Hargeysa(SDN) Waxa habeenkii xalay hargaysak lagu qabtay xaflad balaadhan oo ilyartu is qabsatay taasi oo ay soo qabqaabiyeen Jaaliyada Reer Jabuuti eek u dhaqan Somaliland xafladani oo u jeedkeedu daaranaa ayaa ahayd mahadnaq loo jeedinayey madaxwayne Ismaciil Cumar Geelle iyo iyo marwadiisa Khadra Maxamud Xayd, iyo waliba Xuska maalinta 18 May ee madaxbanaanida Somaliland.

 

Xafladani oo ahayd Casho Sharaf Miisaan Culus ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Jaaliyada reer Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland oo uu hor kacayo gudoomiyaha jaaliyada Maxamed Cabdi Cali,Safiirka Jabuuti U fadhiya Somaliland, Masuuliyiinta CAC BANK,masuuliyiin ka socday shirkada SOMCABLE, shirkada Waaberi Group Iyo Dad aad u tirro badan, xafladani oo lagu qabtay Hotel Crown ee magalaada hargeysa.

 

IMG_1874IMG_1752

 

Ugu  horayn waxa halaasi ka hadlay hooyo ku hadlaysay magaca hooyooyinka jaaliyada ee dagan Somaliland taasi oo sheegtay in ay soo socdaan xaflado badan oo ay tahay tani tii ugu horaysay ee laysku baranayey, Somaliland ay dagan yihiin in ka badan 2000 oo qof oo ah jaaliyada reer jabuuti ee ku dhaqan daafaha Jamuuriyada Somaliland.

Geesta kale waxa isna gobta ka hadlay Oday Sheekeeye oo sheegay oo amaan iyo bogaadin hawada u mariyey Madaxwayne Ismaciil cumar geele iyo xukuumadiisa cusubm isagoo dhanka kale dhiiri galin iyo guubaabo u jeediyey jaaliyada reer jabuuti ee ku dhaqan Somaliland.

 

IMG_1716IMG_1794

 

Waxa isna madasha ka hadlay masuul ka socday CAC BANK oo ah shirkada sida hagar la aan ta ah uga qaby qaadatay qabsoomida casho cashraftani iyo is xogwaraysiga ah, masuulkani oo u mahadnaqay sida balaadhan ee loo soo qaban qaabiyey xafladani kaasi oo kalmado dhiiri galin ah u jeediyey masuuliyiinta kala duwan ee jaaliyada iyo safiirka jabuuti ee Somaliland.

Xafladani oo ahayd Casho sharaf iyo waliba is xog waraysi ay yeesheen jaaliyada reer jabuuti ee Somaliland dagan ayaa ahayd mid meeqaam sare lagu soo agaasimay, jawiguna ahaa mid dagan.

IMG_1733IMG_1728

Gudoomiyaha Jaaliyada Jabuuti ee Somaliland Maxamed Cabdi Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankani kaasi oo mahadnaq u jeediyey madaxwaynaha jamuuriyada jabuuti  Ismaciil Cumar Geele iyo marwadiisa, Iyo dhamaan dawlada Jabuuti waxa uu geesta kale hambalyo taa la mid ah u diray shacabka reer Somaliland xuska munaasibada madaxbanaanida ee 18 may oo maalmihii ina soo dhaafay si wayn looga xusany guud ahaa Somaliland.

 

IMG_1860

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay safiirka jabuuti u fadhiya Somaliland oo sheegay in madaxda iyo masuuliyiinta jaaliyadu ay aad u shaqaynayaan, waxa uu intaasi ku daray hadalo dhawaan laysla dhex marayey gudaha magaalada hargeysa iyo guud ahaan Somaliland kaasi oo ku tilmaamay hadalo riqiis ah oo meel ka dhac ku ah in loo gaysto madaxwayne ismaciil cumar geele waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guntii iyo gunaanadkii xaflada ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan iyo kulan farxadeed, kulan kani oo noqonaya kulan kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Somaliland.

IMG_1793IMG_1885IMG_1849

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here