Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadley booqashada Tayyip Erdogan ee Soomaaliya

0
191

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegeyn in Madaxweynwe Xasan Shiikh Maxamuud maalinta berri ah ee Jimcada dalka ku soo dhaweyn doono Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Warka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal, kuwaas oo diiradda lagu saari doono barnaamijyada horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya iyo arrimo kale oo waddanka waxtar u leh.

Isla warka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Turkigu booqan doono mid ka mid ah Mashaariicda Turkigu ka wado Muqdisho.

Sida Horseed Media ogaatey waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Turkigu xarigga ka jaro Isbitaalkii Digfeer oo ay dib u dhiseen lagana dhigey mid aad casri u ah, Sidoo kale Erdogan, ayaa booqan doona Terminalka caalamiga ah ee Turkigu ku siyaadiyeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaas oo marayaa heer dhamaad ah, waxaana laga yaabaa in uu xariga ka sii jaro Erdogan isla maalinta berri.

Ciidamadii amaanka sugaayey Booqashadii Erdigan ku yimid  Muqdisho 2011

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho soo gaarey qaar kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Turkiga kuwaas oo sugaaya amniga Madaxweynaha. Sugidda amniga ayaa la adkeeyey, waxaana jidadka suran calmada Soomaaliya iyo kan dalka Turkiga.

Waa markii labaad ee Recep Tayyip soo booqdo Soomaaliya, maalin Jicme ah 19 August 2011ayey ahayd sidaan oo kale markii uu soo booqdey Muqdisho, isaga oo markaas ahaa Raysalwasaaraha Turkiga
waxaana Soomaaliya ka taagneyd xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeyd, waxaana isugu darsamey macaluul iyo colaad, Erdogan ayaa wacad ku marey in uu Soomaaliya garab istaagayo, tan iyo markaas waxaa Turkigu mashaariic aad u weyn ka hirgeliyey magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here