Xaalada Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Shaki Weyn Laga Qabo

0
188

Hargeysa(SDN)Xaalada wasaarada waxbarashada Somaliland oo aad looga dayrinayo taasi oo imanaysa mar ay wasaaradu ruqsadii kala noqotay 7 dugsi oo ku yaala magaalada hargeys, tan iyo intii uu imid wasiirka waxbarasha Cabdilaahi Xuseen Habane waxa dibu dhac weyn ku imid hanaanka shaqo ee wasaarada oo noqday mid is dhex yaac u batay.

Image result for wasiirka waxbarashada somaliland

 

Horantii sanadkani waxay wasaaradu ruqsadii kala noqotay jaamacad ku taala gobolka togdheer taasi oo markiiba dib loogu celiyey waxay imanaysaa arintani wakhti wasaaradu dhowr jeer oo hore go’aamo u gaadhtay kuwaasi oo dhamaan aan hir-galin.

Dhawaan waxa ay wasaaradu soo saartay liiska macalimiin ay ku sheegtay in ay faafinayeen qish kuwaasi oo isla markiiba ka noqotay 19 macalin oo hore loogu eedeyey in ay faafinayeen qishkaasi.

Dhamaan dadka ku dhaqan Somaliland ayaa shaki weyn galiyey xaalada wasiirka waxbarashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here