Xaakim Gaashanka Ku Dhuftey Xayiraadii Trump Uu Ku Soo Rogay 7 Dal Oo Muslim Ah + Tirada Visa -yaasha Dib Loola Noqdey Intii Amarkaasi Soo Baxay

0
389

USA (SDN)Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaadh ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.

Image may contain: 5 people, crowd

 

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

 

 

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here