Wiilkii Askarigu Ku Toogtay Saldhigga Koodbuur Oo Saaka u Geeriyooday Dhaawacii Soo Gaadhay

0
207

Hargeysa(SDN)Allah ha u naxariistee waxa Saaka Subaxii Hore Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum

Axmed Dayid Cabdi Koorse oo  habeen hore Askari katirsan Saldhigga Booliska ee Ibraahim koodbuur uu rasaas ku furay, isla-markaana dhaawac ahaan halkaas loo dhigay.

koorseSida ay ehellada wiilkani u xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta, waxa marxuumkani galay qalliin culus, maadaama rasaasi kaga dhacday Calosha iyo meelo kale oo jidhkiisa kamid ah.

Wiilkan askarigu toogtay, ayaa  ahaa maxbuus Saldhigga ku xidhnaa, waxana da’diisa lagu sheegay 16-jir, waxana wali aan la fahmin sababta keentay in wiilkaas dhallinyarada ah la toogto.

Askarigii Toogashada geystay, ayaa la sheegay in la xabsiga loo taxaabay, waxana  ciidamada wararka hoose ee kasoo baxayaa sheegayaa inay baadhitaan ku wadaan.

Toogashadan uu Habeen hore geystay Askarigan katirsan Saldhigga Ibraahim Koodbuur u geystay maxbuuskaas, ayaa kusoo beegmaysay xilli isla toddobaadkii haatan dhammaaday Askar kale oo saldhigaas katirsani u geysteen Wiil yar  oo xaafadda Jigjiga yar deggenaa, iyadoo rabshadihii ka dhashay wali taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here