Wiil Yar Oo Ciidanka Boolisku Toogtay Iyo Rabshado Ka Dhacay Hargeisa

0
183

Hargeisa(SDN)Wiil yar ayaa dhintay, mid kalena waxa soo gaadhay Dhaawac halis ah, kadib markii ay Ciidanka Boolisku isku dayeen inay qab-qabtaan Dhalinyaro ku ciyaaraysay Garoonka kubada cagta ee Maxamuud Axmed Cali,hase yeeshee ay taasi u suurto-geli wayday, isla markaana ay dhalinyaradaasi iska caabiyeen, kadib-na ay Ciidanku rasaas ay riddeen ay haleeshay Wiilkan geeriyooday iyo mid dhaawaca.

Dhimashada iyo dhaawaca labada Wiil ayaa waxa ka dhashay Mudaharaad balaadhan oo gilgilay Samo xareed ilaa Isgoyska Totel, waxaana Ilo wareedyo kala duwan oo shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews la xidhiidhay ay xaqiijiyeen in Dhalinyaro kooxaha ahi ay gadooddeen tallaabada ay Ciidanku ku toogteen laba Wiil, iyadoo ay aaggaas oo dhan ku gubbeen Taayirro iyo Dhagaxaan ay ku jareen Waddooyinka Maalintii shalay ayay ahayd markii uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu iclaamiyey in hawl-gal adag ay Ciidanka Boolisku kaga hor tagi doonnaan Kooxo Dhalinyaro ah oo magaalada Hargaysa amni-daro ku soo kordhiyey, isla markaana iyaga laftoodu is dhibaateeya wakhtiyada qaarkood, waxaanu sheegay inay Dhalinyaradaasi mudan doonaan Xukuno dhaadheer oo aan iib iyo saamaxaad mida lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here