Wiikii Ugu Yaraa Caruurta Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
123

Hargeysa(SDN)Wararka nasoo gaadhaya saaka soona gaadhay xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in xalay uu magaalada hargeysa ku geeriyooday alla haw naxariistee wiilkii ugu yaraa caruurta madaxwaynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Ibraahin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal sida eheladiisu Ramaasnews u sheegeen,waxaana uu mudooyinkii u danbeeyeyba u jiifay xaalad caafimaad daro isaga oona xalay u geeriyooday xanuunkaasi.

Marxuunka ayaa sida uu noo sheegay Cabdiqaadir Cismaan Ducaale oo kamida ehelada marxuunka waxa maanta lagu aasi doonaa xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here