“Weligay Marwadu Qoyskeyga Iimay Biilin” Gudoomiyah Wergeysa Yool Maxamed Cabdi Curad

0
267

Hargeisa(SDN)Gudoomiyaha Wargeysak Yool Maxamed Cabdi Curad ayaa wax-ba kama jiraan ku Tilmaamay weedho kasoo Baxay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley. warsaxaafadeed uu arrinkaas kaga hadlayna waxa uu dhignaa sida: Murti Soomaaliyeed baa ahayd; “..Haddii lagu sheelo, waa lays sheegaa, Haddii lagu sheegana, waa lays sheelaa..”. Anniga oo tix-gelinaya, xaal-marin, raali-gelin iyo codsiyo aan ka helay akhyaar aad u tiro badan, iyo sidoo kale xubno ka tirsan qoyska Guddoomiyaha Gobolka Gebiley reer Cabdi Ciise, kuna saabsan in aanan jawaab ka bixin hadalada iyo weedhihii kasoo yeedhay Guddoomiye Mustafe Shiine, ma doonayo inaan wax badan ka idhaahdo mawduuca arrinkaa ku saabsanaa. Hase-ahaatee, anniga oo difaacaya sharafta qoyskayga, anniga oo dhawraya sumcada iyo dhegta Caruurta iyo Xaasaskayga. Waxaan go’aansaday inaan bulshada u iftiimiyo Marwo, Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) in aanay masaariif siin Xasaaskayga, mar aan ku xidhnaan jirey xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa 2008-dii. Sida uu ku dooday Guddoomiyaha Gobollka Gebiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine). Wax’se la yidhi; “..Nin hulaabasho xun inuu wax qarsanayo ayaa la moodaaye..”. Sidaa darteed waa waajib inaan ummadda u caddeeyo xaqiiqada arrinkaas.

Haddii aan dulucda hadalkayga kusoo dhowaado, 2008-dii markii aan ku xidhnaa xarunta CID-da, intii aan halkaa ku jirey oo dhamayd 23 Maalmood, waxa igu soo booqday dad aad u tiro-badan, oo isugu jirey Siyaasiyiin, Xildhibaano, Suxufiyiin, Tol iyo Xidid inta-ba. Akhyaarta iyo Axbaabtaa waxa kamid ahaa Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-kayse), oo xilligaa Wasiir-ku-xigeen ka ahaa Wasaarada Arimaha Dibedda, Xildhibaan Cali-Mareexaan, Xildhibaan Waabeeyo iyo Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo waqtigaa ka tirsanaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada. Waxa kale, oo duyuuftii halkaa iigu timi kamid ah Guddoomiyihii Hay’ada-shaqaalaha ee waqtigaa Md. Cabdiraxmaan Caddami.
Haddaba, sida bulshadeena dhaqanka u ah, akhyaarta kor ku xusan ee sharafta badan ee halkaa igu soo siyaartay qofna isagoo faro-madhan iima uu iman, balse waxay ii yimaadeen, iyaga oo sida Lacag, sharaab faro-badan, Jaad, Sigaar, warqadaha dhididka layska mariyo, cadayo iyo dawada lagu cadaydo ee loo yaqaan (Colgate). Halkaa marka xaal marayo, maalin Maalmaha kamid ah, waxa xarunta CID-da igu soo booqday Wasiirada Maaliyada Marwo, Samsam Cabdi Aadan, oo hadaanan khaldanayn waqtigaa Guddoomiye ka ahayd Dallad-dii SHURO-net, oo ahayd Jamciyad ay ku bahoobeen Urruradii Xuquuqal Iinsaanka Somaliland ee xilligaa jirey.
Marwo Samsam, markii ay halkaa soo gaadhay waxa kusoo beegmay, iina soo daayey Askari ka tirsan ilaaladii xarunta CID-da ee waqtigaa oo lagu magacaabi jirey Cawaale, Askarigaasi markii Xukuumada KULMIYE talada dalka qabatay, waxa uu u bedeshay dhinaca Booliska, isla markaana bilowgii 2011-ka waxa uu madaxa u noqday ilaalada xarunta Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiilada], hase-yeeshee qadar ku yimi awgii waa la beddelay isaga, waxaanu ii sheegay xilliyo dambe mar aanu suuqa ku kulanay inuu hadda joogo Saldhiga-dhexe ee Magaalada Hargeysa, reerkiina u degen yahay Xaafadda Qandahaar ee Koonfurta/Galbeed Hargeysa.
Intaa kadib markii Marwo, Samsam isoo gaadhay ee aanu xoogaa is-waraysanay, waxa ay ii sheegtay inay xadhigayga uga warantay Masuul-sare oo ka socdey Human-rights-ka oo booqasho ku joogey Somaliland, sidoo kale, Marwo, Samsam waxa ay ii dhiibtay Lacag $50. (Konton-dollar) ah. Ogaalkay waqtigyadaas xabsiyada dalka Jaadku Mabnuuc kamuu ahayn, sidaa darteed Lacagtii waxa aan u dhiibay Askarigii, oo aan ka codsaday inuu soo iibiyo Geed-Jaad ah, qiimihiisuna waqtigaa ahaa; 100,000/= Shilinka Somaliland ah, una dhigantey $20. (Labaatan-doollar). Jaadka markii la keenay Nus iyagaan siiyey, Nuskii kale-na waxaanu ku qaybsanay dhawr Maxbuus. Taasi waxa ay ahayd sidaa. Wasiiradana anniga oo ixtiraamaya waa Xay Maanta.
Siyaaradda Marwo, Samsam Maalin kadib, waxa xarunta CID-da iigu yimi Maxamed Cismaan Mirre (Seyid), oo hadda ah Guddoomiyaha Wargeyska Dawladda ee DAWAN. Md. Seyid oo ah Nin aanu muddo dheer saaxiib ahayn, meelo kala duwana kasoo wada shaqaynay, waxa uu ii sheegay Marwo, Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) inay rabtey inay ii timaado, hase-yeeshee ay ka baqday in xadhiga laygu giijiyo haddii ay isoo booqato, maadaama oo ay ahayd Xaaska Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE. Waxa kale, oo Md. Seyid uu ii sheegay in Aamina-weris iigu soo dhiibtay $100, (Boqol-dollar), kadib-na waxaan ugu jawaabay inuu Lacagtaas iigu dhiibtaa Maxamed Cabdale Cilmi, oo ah Suxufi, kuna sugan Hargeysa. Lacagtaa waxaan Maxaabiista uga diray saddex qado oo Hilib-Geel ah, Maxaabiistii xilligaa CID-da aanu ku wada xidhnayn, waxa kamid ahaa Nin Macdar Baabuurta lagu iibiyo ku leh Magaalada Hargeysa, laguna Magacaabo Ibraahin/Buurane. Waqtigaana loo haystey in xaruntiisa laga soo iibsadey mid kamid ah Baabuurtii loo adeegsaday qaraxyadii lala beegsaday Madaxtooyada, Xafiisyada UNDP iyo Itoobiya ee Magaalada Hargeysa. Intaas kadib, waxa dambe oo xidhiidh ah oo anniga [Maxamed Cabdi Guuleed “Curad”] iyo Marwo, Amina-weris na dhex-maray ma uu jirin, si dadban iyo si toosa midkuu doono ha noqdee. Xaqiiqadu waa sidaa dhinacayga, waxaanan qabaa geesta kale-na inuu sidaa yahay.
Waxa kaloo, xusid mudan Maalintii Kiiskayga la soo gebagebeynayey intii aan lagu dhawaaqin waxa Maxkamada Gobolka iigu yimi Md. Axmed Maani-feesto, oo xilligaa Guddoomiye ka ahaa Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland, Axmed Maani-feesto waxa uu ii muujiyey sida uu xadhigayga uga xun-yahay, kadib-na waxa uu Jeebka ii geliyey $20. (Labaatan-dollar). Kadib waxa la guda-galay dhegeysiga Kiiska, waxaana gunnaandkii laygu xukumay 5-Bilood oo Xadhig ah. Nasiib wanaag sharciyan, waxa ii furnaa inaan Racfaan ka qaato Xukunka muddo Bil-gudaheed ah, hase-ahaatee duruufo-siyaasadeed oo waqtigaa jirey awgeed, Odayaashayda, Anniga iyo Asxaabtaydii-ba, waxaanu go’aansanay inaanu iibsano inta hadhay xadhiga, sidii baanu yeelnay, wixii iibka xadhigu noqdayna waxa goobtii ku bixiyey Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo aanu isku deegaan kasoo jeedno, kana tirsan Golaha Wakiilada.
Haddaba, waxaas oo hadal ah waxa igu kelifay in aan xaqiiqada arinka u caddeeyo cid kastoo markii hore uu mad-madow kaga jirey. Gebogebadda qoraalkayga waxaan kusoo af-meerayaa haddii Guddoomiye Shiine arrinta uu ka dhawaajiyey xogtiisa uu ka helay Marwo, Aamina-weris iyo Marwo, Samsam, waa iga celis Boqol iyo Kontonkii-dollar ee iga soo gaadhay intii aan xidhnaa, haddii’se uu yahay mid Ku-tidhi ku-teen iyo nux-nux ahna, bulshada waxaan u sheegayaa in xaqiiqada sheekadu sidaa tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here