Weji Xumada Xusbiga Kulmiye-Damac Xumida Muuse-Hal Adayga Xirsi

0
197
Ugu horayn waxaan salaamayaa bahda saxaafada oodweynenew iyo akhristayaashooda qiimaha leh ee dunida dacaladeeda kala jooga hadaan intaas salaanta guud ku dhaafo oon ka dhawaajo macnaha iyo xikmada uu sito cinwaanka qoraalku,waxaan akhristaha kula dardaarmayaa in wixii anfaca uu ka qaato wixii kalena si turxaan laana u nabad geliyo,maadama fekerka iyo qoraalku uu yahay mid ka soo maaxday feker kaaga ka duwan,
Hadaba akhristow waxaad wax badan ka dheregsan tahay  xaalada xusbiga talada hayaa marayo inay noqotay timir xabaal taal oo qof waliba gacanta gelinayo isagoon cidna u tudhayn cidna waxba u reebeyn ,ka xusbi ahaan wuxuu yeeshay weji aan loo jeedi karin ama la eegi karin xagiisa waad qiyaasi karaysaa wax aad eegmada u diidid,eed kala bakhaysho inaad indhahaaga ku eegto,hada wuxuu marayaa marxalad uu dadka u soo uro iskadaa wax kaleetee oo sankii siilanyo ku sheegay faysal,in laga qabsado maanta xusbigii kulmiye, wax waa yaab waxna waa yaabka yaabkii,lama yaabin xusbi burbura waxase yaabka yaabkiis ah damac xumida  muuse ,oo ah mid bilaa indho ,bilaa dhego,bilaa dhadhan, waxa wanaagsan in qofku marka hore isagu miisan isa saaro oo gurigiisa isku soo saaro inteed horta miisan leedahay, mudane siilaanyo ayaa waqti hore laga hayaa ,muusow dadka u cuntami maysid kaamana iibin karayno ee musharxnimada anaba ku noqonaya, waxaad halkaas ka arki karaysaa qiimaha loo gooyey waqti aan hada ahayn,maantana waad aragtaa xukuumadii dhamayd ayaa mar qudha degtey sida maraakiibta!!!!
balse waxaas oo dhan ma aragno mana maqalo,xusbigii uu isagu gudoomiyaha ka ahaa baa kala jajabay, burburay,cararay, hadana inoo wada habar baa iska howhowlee, buu ku leeyahay waa wax laga khajilo ,dhawrsado,xishoodo ,nidaamka caynkaas ahi
hal adayga xirsi waa mucjiso ku soo kordhay jamhuuriyada oo u baahan in lagaga daydo sababtoo ah xirsi wuxuu ahaa ishii dawladu ka soo maaxanaysey,hadii uu yahay shaqsi maal jecel,hebel jecel,dan gaara leh,mar qudha dee ma dhigeen dhulka mana yidhaahdeen wataase iga hooyo,waad qiyaasi kartaa intuu af xumo ,hagardaamo,takoor u soo maray inuu la shaqeeyo dawlada dadkana u shaqeeyo,aqoontiisu waxay siin weydey inuu jaahil tidim adag dhistay uga badho xaqa,wasiirada kale ee la midka ahina waxay ku soo kordhiyeen in qawlku yahay wax qaaliya,waxaad hore u arki jirtey wasiir ama masuul shaqada laga fadhiisiyo oo mucaarad gidaarka la fadhiista kuwani way ka duwan yihiin kuwii noocaas ahaa iyagoo iskood u tegey bay hadana doonayaan cadaalad iyo kala danbayn,wa bilaahi tawfiiq
Abdula Dharaar

– See more at: http://oodweynemedia.com/?p=46364#sthash.CnypX5bK.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here