Wefti balaadhan oo ka kooban Golaha wakiilada iyo Xukumada S/land oo u anbabaxay dalka Jabuuti Goor-dhaweyd

0
111

Hargeisa(SDN)Wefti balaadhan oo ka kooban Golaha Wakiilada Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan Xukumada Siilanyo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa goor dhaweyd u anbabaxay dalka Jabuuti.

bre

Weftigan Gudoomiye Cirro Horkacaayey ayaa waxaa xubno ka ahaa Gudoomiye-xigeenka Golaha wakiilada Baashe Muxumed Faarax,Wasiirka Arimaha debeda Maxamed Biixi Yoonis,wasiirka Dibudejinta Axmed Cali Casood,Wasiirka Wershadaha Abiib Timocad iyo wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud Saciid Sulub Maxamed.

 

Xubnaha weftiga oo intaaney ka duulin gegida dayuuradaha qaarkood u waramay Warfidyeenka Qarannews ayaa ku sheegay ujeedada safarka ay ku tegayaan Dalka Jabuuti Tacsida iyo Duugta ama Aaska Alla ha u raxariistee Idiris Arnaoudi Ali oo ahaa Gudoomiyhiii Barlamaanka Jabuuti oo ku geeriyooday dalka Kenya shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here