Weererkii Shalay Lagu Qaaday Suuq Ku Yaala SWEDEN Iyo Khasaarihii Ka Dhashay

0
285

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gudaha dalka Sweden ayaa sheegaya in gabi ahaanba la adkeeyay amaanka xarumaha Dowlada goobaha ay maraan Tareemada iyo xarumaha mashquulka badan .

Ciidamada aad u hubeeysan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka sida weyn loo is ticmaalo gaar ahaan bartamaha magaalada iyo goobtii uu galabta ka dhacay weerarkii gaariga xamuulka ah loo adeegsaday .

 

Masuulka ugu sareeya Booliiska dalka Sweden Mr.Dan Eliasson ayaa xaqiijiyay dhimashada 3 qof , halka warar kalana sheegayana in shimada gaareyso 5-qof , halka ay jiraan dhaawacyo badan oo weerarkan ka dhashay.

 

Booliiska dalka Sweden iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo heegan buuxa la galiyay ayaa dhanka kale waxaa gudaha dalka Sweden lagu faafiyay sawirada Shaqsigii ka dambeeyay weerarkaan oo Booliiska dalkaas si hoose u aqoonsadeen .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here