Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Saldhig Mareykanka Ku Leeyihiin Garoonka Bagram

0
129

Weerar xoogan oo ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday saldhig Ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Bagram ee kuyaala dalka Afgaanistan.

Saldhigan oo ah kan ugu weyn ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Afgaanistan ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah , waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Inta la ogyahay afar ruux ayaa ku dhimatay weerarkan lagu qaaday saldhiga ciidamada Mareykanka, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay 14-qof oo kale kuwaa oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Ururka Taalibaan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday saldhiga kuyaala dalka Afgaanistan, waxa ayna Kooxdaasi sheegeen in qasaaro xoogan weerarkaasi ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka.

 

Weerarka lagu qaaday saldhigan kuyaala meel ku dhaw magaaada Kabul ayaa dhacay xili la xusayay maalinta halgamayaasha ee loo yaqaanno Veteran’s Day, walina lama cadeyn afarta ruux ee weeraran ku dhimatay wadamada ay kasoo jeedaan.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here