Weerar dad badan lagu qaarajiyey oo ka dhacay Macbadka Khariidatu Sakhi

0
141

Inta la’ ogyahay 14 ayaa ku dhintay in ka badan in ka badan intaasina waa ku dhaawacmeen Weerar lagu qaaday meel ay ku cibaadeystaan muslimiinta shiicada ah oo ku taalla caasimada Afghanistan ee Kabul.

Goobtaasi lagu cibadeeysto ayaa ahayd meel dadku ay iskugu yimaadaan si ay u xusaan maalinta Caashuura oo ah maalin aad qaali ugu ah taarikhda Shiicada iyo islaamka.

 

Saraakiil ka tirsan Dowlada ayaa sheegay in qof naftiis dile ah uu isku qarxiyey goobta ka hor inta aysan kooxaha hubeysan gudaha u galin macbadka xaafada Khariidatu Sakhi ee magaalada caasimada ah ee Kabul.

Ciidamada ayaa toogtay laba ka mid ah kooxihi weerarka soo qaaday oo goobta heystay ku dhawaad hal saac.

Qaar ka mid ah ururrada Sunniyiinta sida Taliban ayaa aaminsan in Shiicada ay yihiin kuwo baadiyoobay ee ka leexday islaamkii saxda ahaa.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here