Waxaan Habalyo U Dirayaa Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Madigaan

0
380

Ugaas ka waxaanu u diraynaa hambalyo iyo duco waxaananu leenahay ilahay uga baryaynaa inuu xilka lagu maamuusay

Anigoo ah garyaqaan JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED XASSAN kuna hadlaaya dhamaanba afka DHALINYARADA, AQOONYAHANKA, CUQAASHA,CULIMADA, GANACSATADA, HAWEENKA  iyo dhamaanba waxgaradka BEELWEYNTA  AXMED SHEEKH ISAAQ (TOL JECLE) oo ah curad ka beelaha ISAAQ waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karahayn oo kal iyo laab ah hawada aan u marinaynaa ugaaska guud ee beesha MADIGAAN  ugaas FAARAX SHEEKH CABDILAAHI WARFAA oo lagu caleemo saaray deegaanka ABEY FUULAAN ee dawlad deegaanka soomaalida itobiya halkaasi oo aan odhan karo waxaa iskugu yimid oo kasoo qayb galay caleemo saarka ugaaska dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga intoodii badnayd.

 

Ugaas ka waxaanu u diraynaa hambalyo iyo duco waxaananu  leenahay  ilahay uga baryaynaa inuu xilka

lagu maamuusay u dhib yareeyo kana dhigo kii diintiisa,dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca. 

Beesha madigaan oo taariikh dahabi ah ku dhex leh dhamaanba umada soomaalida dhexdeedana waxaanu leenayahay hadaanu nahay BEESHA AXMED SHEEKH ISAAQ EE (TOLJECLE) waanu idinku hambalyeynaynaa ugaaska qiimaha iyo qaayaha badan eed caleemo saarteen.

 

Ilahayna hadiinka dhigo kii beesha wada jirkeeda iyo wanaageeda ka sheqeeya eed ku badhaadhaan.

 

JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com

PHONE: 0634429270

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here